Muxuu yahay shirka u furmaya SADE?!

Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo waxaa maalinta Jimcaha ka furmaya shir looga hadlaayo aayaha goblka Gedo iyo beelaha dega ee Sade iyo shirka Kismaayo ka socda ee dib u heshiisiinta.

Magaalada waxaa tan iyo toddobaadkii hore ee la soo dhaafay ku qulqulaayay wafuud caalami ah kuwaasoo ka mid ah ka qeybgalayaasha shirka sida ay lee yihiin wariyaasha shirka ku sugan.

Siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo, aqoonyahano iyo dad u badan qurba-joog ayaa gaaray magaalada Garbahaarey, si ay uga qeyb galaan shirweynahan, waxaana ka mid ah General Cali Madoobe, Dr. Cabdi Shire Warsame, Ganacsade, C/laahi Amko, iyo siyaasiyiin kale oo dhammaantood ka qeyb galaya shirkan.

Shirka ayaa horey loo iclaamiyay, waxaana lagu waday in uu ka qeybgalo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, balse waxaa la lee yahay waa uu ka baaqan doonaa, maadama uu safar dibedda uu ku maqan yahay.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana goobta shirka ammaankeeda sugaya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in shirka uu ka qeybgali doono Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Waa shirkii 3-aad ee dib u heshiisiin ah oo ka dhaca gobalada dalka, waxaa ka horeeyay shirarka Baydhabo iyo Kismaayo.

Dadka wax odorosa ayaa leh shirarkan waxaa dabada ka riixaya waddamada dariska sida Itoobiya iyo Kenya iyo urur gobaleed IGAD, halka dowladda ay ka tahay goobjoog.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com