FAARAX C/Qaadir oo wada dadaallo uu ku yareynayo diidmada laga muujiyey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo Garsoorka ee Xukuumada Somaliya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa wuxuu bilaabay dadaalo uu ku yareynaayo culeyska ay Xukuumadu kala kulmeyso dhinaca Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxaa isniintii loo qaybiyay mooshin ka dhan ah shirkadda laga lee yahay Turkiga ee Axadii lagu wareejiyay Maamulka Dekeda Magaalada Muqdisho, markii ay heshiis wada gaareen Xukuumada.

Wasiir Faarax oo la aaminsan yahay in uu yahay masuulka ugu awooda badan Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu wadaa olole uu ku joojinaayo tallaabada uu Baarlamaanku ku doonaayo, in laga noqdo heshiiska shirkadda Albairak amaba in heshiiskaasi la horkeeno Baarlmaanka.

Waxaa la arkaayay Wasiirka oo khadka teleefanada kula xiriiraaya Xildhibaanada Baarlamaanka, ee dusha ka xiireysa mooshinka laga keenay shirkadda Albairak, iyadoona uu ku qancinaayo in ay ka tanaasulaan.

Wasiirka, ayaa Xildhibaanada aan ku mowqifka ahayn u qabanaaya waqti ay ku kulmaan, si ay uga wada xaajoodaan arrimaha ku aadan Albairak, waxayna tani ku soo aadeysaa, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku jooggo Mareykanka.

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Aadan (Sandheere) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee mooshinka ka keentay shirkadda Albairak, ayaa wuxuu cod kore ku sheegay in Xukuumada ay ka doonayaan in heshiiska Albairak ay horkeento Baarlamaanka.

Guddoonka Baarlamaanka Somaliya, ayaa Isniintii u yeeray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, bal si wax looga weydiiyo heshiiska ay Xukuumadiisu la gaartay shirkadda reer Turki.

Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa waxaa la hadalhayaa in uu isagu dhabarka ka riixaaya arrinta ku aadan, in shirkadda Albairak lagu wareejiyo Maamulka Dekeda Magaalada Muqdisho.

Isha: Dhacdo