KISMAAYO:- ODAYAASHII ka hor-yimid AXMED Madoobe, Maxaa qabsaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Aadan Cusmaan oo kamid ah Odayaasha Kismaayo, ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu Ciidamadiisa ku amray inay Magaalada ka saaran Odayaasha aan taageersaneyn shirka Kismaayo.

Aadan Cusmaan, waxa uu tilmaamay in Xaalada Odayaasha ay tahay mid adag, islamarkaana ay dareemayaan dhibaatooyin lid ku ah ammaankooda oo kusoo fool-leh.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yiri “Adeerow anaga Kismaayo waxan ku joognaa argagax iyo cabsi, ninkii Axmed Madoobe ahaa waxa uu Ciidankiisa ku amray in nalaga saaro Kismaayo maadama aan ka baxnay Shirka Kismaayo”

Waxa uu intaa ku daray in habeen waliba ay ku hoydaan Masjidyada iyo goobo aysan deegaan ku aheyn, waxa uuna taasi ku tilmaamay mid aysan muteysan, balse uu Axmed Madoobe baxshay amarkaasi.

Aadan Cusmaan waxa uu yiri ‘’Waxaa nasiib daro noo ah in Magaalada Kismaayo uu naga saaro Axmed Madoobe oo aan deegaanka ku dhalan, waayo waxa uu nagu xukminayaa inaan qaadano amarkiisa’’

Haddalka Aadan Cusmaan, ayaa waxa uu imaanayaa xili hoolka uu shirka Kismaayo ka socdo ay faarujiyeen Odayaasha qaar, waxa ayna arrintaasi ka danbeysay ka gadaal markii la shaaciyay in Mucaaradka Axmed Madoobe uu shir uga furmaayo Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com