Gabar SOOMAALI 16 jir ah oo LONDON ay ku qabsatay arrin ay ku weysay in…

London (Caasimada Online) – Ardayad Soomaali ayaa laga joojiyey inay sii wadato Wacbarashadda heerkeeda A-levels mid ka mid ah Dugisyadda Dowladda ee ku yaalla Waqooyiga caasimadda dalka Britain ee London.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska London Evening Standard waxa gabadhaasi oo 16-jir ah looga joojiyey waxbarashadda sababo la xiriira iyadoo inta badan xirato Niqaabka, isla markaana ay diiday inay Indha-shareer la’aan fasalka dhigato.

Gabadhan oo 16-jir ah ayaa waxay wax ka barataa Dugsiga u gaarka ah Hablaha ee lagu magacaabo Camden School for Girls.

Gabadha ayaa la sheegay inay go’aansatay inay niqaab xirato bishan markii ay Dugsiga ku soo laabato, si ay ugu bilaabanto waxbarashadda Fasalka Lixaad.

gabarLaakiin, Maamulka Dugsiga Camden School for Girls waxay diideen inay gabadha bilawdo waxbarashadda Heerka A, haddii ay ku adkeysato inay xiranayso Niqaabka.

Gabar la dhalatay gabadha Dugsiga laga joojiyey ayaa sheegtay in go’aanka Dugsiga uu aad u dhaawacay Familkeeda, waxayna xustay inay Walaasheeda doonayso inay xirato Niqaabka sababo iyada u gaar ah iyo inay xaadir ku ahaato Dugsiga.

Duqa magaalladda London, Boris Johnson waxa Niqaabka lagu xirto gudaha Dugsiyadda inay kulligeed qalad tahay, iyadoo tiro ka mid ah Dugsiyadda Sare ee London carruurta yaryar sida 11-jirro lagu khasbo inay xirtaan Indha-shareer.

Dhinaca kale, boqolaal arday oo ay ku jiraan in ka badan 500 oo qof oo si Online u saxiixay U-codeynta taageeradda loo hayo gabadha Soomaalida ee ku adkaysatay inaysan iska dhigi doonin Niqaabka.

Xigasho: London Evening Standard