Beelo ka tirsan Absame oo kalsoonida kala noqday Axmed Madoobe, Sabab?

Nairobi (Caasimada Online) – Beesha Jidwaaq – Absame oo ka kooban garaaddo, salaadiin, odayaal, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo haween ayaa maalintii Axadda waxay kulan ku qabatay hoteel ku yaalla magaalada Nairobi.

Wada-tashi dheer iyo shirar dhowr ah kaddib, beeesha ayaa iclaamisay inay kalsoonida kala noqotay maamulka KMG ah ee Jubba, iyadoo u aaneyneysa sababaha soo socda:

1) Kaddib markii ay beesha Jidwaaq u aragtay in maqaamkii siyaasadeed ee ay ku lahayd Jubbaland in ay ka dhex muuqan guud ahaan iyo gaar ahaan intaba.

2) Dadaalka iyo taageerada intaa la eg kaddib maamulka Jubaland beesha Jidwaaq wuxuu ugu abaalguday in laga mamnuuco wax kasta oo awood qaybsi ah oo ay xaq ugu ku lahayd deegaanka ballaaran ee Jubbaland.

3) Kaddib markii lagu guul darreystay isku day badan oo loo soo bandhigay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo maamulkiisa inay garowsho ka bixin waayeen dhammaan cabashooyinka ay beesha ka tabaneyso maamuulka Jubbaland.

4) Kaddib markii ay beeshu kala kulantay maamulka Jubbaland dulmi iyo xadgudubyo aan la soo koobi karin, ayna xaqiiqsatay taageerada Jubbaland inay ugu geeriyoodeen dad ka badan 100 rag ah oo ciidamada qalabka sida ah, kuna curyaameen in ka badan 200 oo dhallinyaro ah oo ilaa iyo maanta aan daryeel caafimaad iyo mid dhaqaale intaba maamulka ku haysan.

5) Beesha waxay go’aansatay inay taageeradii, kalsoonidii, xiriirka iyo wada shaqeyntii ay horay ula lahayd maamulka Jubbaland ee uu madaxda ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inay si buuxda ugala laabatay hiil iyo hoo intaba, taas oo mas’uuliyaddeedu dhabarka saaranaya hoggaanka maamulka Jubbaland.

6) Salaadiinta dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo beesha qaybaheeda kala duwan waxa ay go’aan ku gaareen in ay taageerada iyo kalsoonidii kala laabtaan maamulka Jubbaland oo aysan naf dambe iyo maal dambe kuwaynin, maadaama awood ahaan aysan ka mid ahayn si loo badbaadiyo nafta iyo maalka iyo mustaqbalka beesha guud ahaan.

7) Dhammaan beesha caalamka, sida Qaramada Midoobay, AU, IGAD, AMISOM, dowladdaha deriska sida Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo dhammaan dowladaha reer Galbeedka sida Maraykanka iyo Reer Yurub iyo kuwa kale ee danaynaya arrimaha Soomaaliya in ay hoo iyo hiilba la garab istaagaan ummadda Soomaliyeed si looga badbaadiyo daynaystayaal iyo shakhsiyaad danahooda ku xalisan.

Waxaan u sheegaynaa inay ka fiirsadaan, ayna xaqiijiyaan dabagal dheeraadna ku sameeyaan sida ay wax u socdaan, khaasatan awood qaybsiga iyo marxaladda siyaasadeed ee arrimaha Jubbaland.

Shirka jaraa’idka ee ka dhacay magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi waxaa ka hadlay:

1. Cabdiraxmaan Maxamed Nuur (Elle) – Afhayeenka beesha Jidwaaq-Absame ee Nairobi -Kenya Mobile: +254-722-483-183
2.Suldaan Maxamed Iimaan- Suldaanka beesha matala Nairobi-Kenya
3. Marwo Aamina Cabdullahi Hussein Iyo rag iyo dumar kale oo badan.

Halkan ka daawo kullanka