Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee ciidamada oo la magacaabay

Akhriso Wareegtada lagu magcaabay guddoomiyaha maxkamadda sarre ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo guddoomiyha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Ku G/Sarre Liibaan Cali Yarow
Ku G/le Xasan Cali Nuur
OG:Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida.
OG:Taliska Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
OG:Taliska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.
OG:Taliska ciidamamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed.
OG: Taliska Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed.
OG: Wasiirka Amniga Qaranka.
OG: Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Destuurka.
OG:Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
OG: Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
OG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeeddo:- Faah-faahin Xeer madaxweyne.

Madaxda iyo saraakiisha ay sida tooska ah ugu socoto warqaddani iyo oggeynsiintaba, waxaa lagu wargelinayaa sida ku cad lifaaqa oo ah xeer madaxweyne Lam. 56 iyo xeer madaxweyne Lam. 57 ee soo baxay 21/09/2014, oo lagu dallacsiiyey min hal darajo, laguna kala magcaabay sarakiisha soo socota xilalka ku hor qoran waxeyna kala yihiin.

1.G/sare Liibaan Cali Yarow oo loo gamacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
2. G/le Xasan Cali Nuur (Shuute) oo loo magcaabay guddoomiyaha maxkamadda darada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Shaqo Wacan

Maxamed Sheekh Xasan.
Wasiirka Gaashaandhigga

Taariikhda guddoomiyaha cusub

Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, G/sarre liibaan Cali Yarow, ayaa muddooyinkii la soo ahaa guddoomiyaha maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidammada Qalabka Sida, haddaba waa sidee heerka Khibrad iyo aqoon ee guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee Ciidammada Qalabka Sida.

Guddoomiye Liibaan Cali Yarow, ayaa ka tirsan saraakiisha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu soo maray heerar kala duwan sida, isaga oo ka soo baxay Jaamacadda (Universal Of Africa, Kalliyadda Sharciga iy Qaanuunka). Waddanka Suudaan.

Sidoo kale waxa uu soo qaatay tababarro kala duwan sida isaga oo ka soo baxay machad Al-Mushaa 2009-2010-kii, ee dalka Suudaan, halkaas oo uu ku soo qaatay tababar Garsoore.

1.Sannadkii 2003-2009, waxa uu soo noqdey macallin Iskuul.

2.Garsoore Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida sannadkii 2010-2011-kii.

3.Guddoomiyaha Maxkamadda darada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ayuu soo qabtay hadana waa guddoomiyaha maxkamadda sarre ee ciidammada.

Waa nin Shahaada Master Degree ka soo diyaariyey Jaamacadda (Naayif Al-Carabiya Lilculuum Al-Amniya, Sacuudiga Riyaadh, 2003.