Muxuu yahay shir-weynaha cusub ee uu Cali Mahdi ku baaqay maanta? + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo maanta beelaha Hawiye ay Muqdisho ugu sameeyeen madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo jeediyey in la qabto shir-weyne qaran.

Cali Mahdi ayaa ugu horeyn madaxweyne Farmaajo ku amaanay badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed ee xilligan, maadaama sida uu sheegay hadii uusan tanaasuli laheyn dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliya ay khatar ugu jirtay inay burburto.

“Madaxweynaha waan uga mahad celinayaa, waana ku bogaadinayaa, markii uu arkay hadii saan loo kala taagnaado in qaranimada Soomaaliya ay burbureyso tanaasulka uu muujiyey, runtii waan ku amaaneynaa go’aankaas uu qaatay,” ayuu yiri.

Cali Mahdi ayaa ka dhawaajiyey in Soomaaliya ay dhibaato daran ku soo jirtay 30-kii sano ee lasoo dhaafay, maantana aysan u baahneyn khilaaf dambe, “Soomaalidu waxay u baahantahay inay is walaashato maanta,” ayuu yiri.

Mahadweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa madaxda dowlad goboleedyada oo dhamaantood ku sugnaa xafladan ka dalbaday inay qabtaan shir-weyne Qaran oo la isugu keenayo dadka Soomaaliyeed ee ku kala irdhoobay colaadihii sokeeye ee dalka ka dhacay.

“Soomaaliya dhibaataa kala gaartay waa is dishay, waa kala guurtay, waliba qof kasta waxa uu ku noqday tuuladii uu lahaa, hadda kor waa la iska fiirsanayaa oo waal la isku jeedaa, laakiin la isu imaan maayo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in cudurka ka dhashay colaadihii dalka ka dhacay uu sii jiraayo illaa dadka Soomaaliyeed la isugu keenaayo shir  weyne ay isku saamaxaan.

“Waxaan inka codsanayaa in la qabto shirweyne Soomaaliyeed oo dib u heshiisiin dhaba la sameeyo, hadeysan dhicin taas oo aan shirkaas la qaban, Soomaali colaadu waa jireysaa, waxayna ku daawoobi karaan in la isu keeno, maanta idinkaa masuul ka ah dalka ee shirweyne Qaran hala qabto,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Cali Mahdi Maxamed.

Halkan hoos ka Daawo