Sawirro: DF oo la kulantay xubnaha beesha caalamka kadib qoraalkii lama filaanka ahaa ee kasoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo wakiillada beesha caalamka, kadib qoraalkii lama filaanka ah ee beesha caalamka ay ku dhaliishay heshiiska doorashada Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxa loog hadlay oo diirada lagu saaray arrimo badan oo ay kamid yihiin: Amniga, Dhaqaalaha, siyaasadda dalka iyo weliba marxalada kala-guurka ah.

Waxaana kulankaasi Mahdi ku wehlinayey wasiirro ka tirsan xukuumadii dhacday ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Mudane Mahdi Guuleed oo kulankaasi kadib ka warbixiyay ayaa sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay kala hadleen heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Wuxuuna xusay in kulankaasi si gaar looga wada-hadlay dib u habeynta federaalka iyo isbedeladii siyaasadeed ee bilowday tan iyo markii xilka laga tuuray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka.

”Waxaan maanta shir isugu nimid aniga iyo xubno ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta iyo Beesha Caalamka gaara ahaan dalalka inaga taageera dhinacyada amniga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda” ayuu yiri.

“Waxaana ka hadalnay dhinacyadaas iyo horumarka laga gaaray heshiiska siyaasadeed, dhaqaalaha iyo dib u habeynta socota” ayuu sidoo kale yiri Mudane Guuleed.

Ugu dambeyntiina waxa uu carabaabay in kulankaasi si fiican loogu lafo-guray qorshaha ay Ciidammada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga dalka iyo sidii arrintaas looga miro-dhalin lahaa.

Shirkan ayaa la fahamsan yahay inuu qeyb ka yahay isku-dayo ay dowladda federaalku ku rabto inay beesha caalamka ku qanciso heshiiska siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka, xili ay wer-wer badan ka qabaan arrintaas wakiilada beesha caalamku.

Beesha caalamka oo shalay qoraal kasoo saatay heshiiskii doorashada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho.

“Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Saaxiibadu waxay fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.”