Daawo: Xasan Sheekh oo soo jeediyey qorshe doorashada waqtigeeda looga soo hor-marin karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal ka jeediyey xaflad lagu soo dhaweynayey madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir oo beelaha Hawiye ay Muqdisho ku qabteen ayaa ka hadlay marxaladda ay haatan wajaheyso doorashada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadada maanta wax lagu wado ay tahay tii ay horay u furtay dowladii tan ka horeysay ee uu hoggaaminayey.

“Doorashadii hore waxaa la-lahaa jiitamaad badan ayaa ku jira, laakiin jiitankaas wadada aad maanta ku raaxeysaneysaan ayuu falay, marka dhibka aan ka soo marnay taas waxaa ogaa akhyaartii ila soo shaqeysay xilligaas oo Axmed Madoobe uu ka joogo, marka ragga hadda shaqeynaya hambalyo ayaan leeyahay waad soo dadaasheen inta dhimana kalsooni badan ayaad abuurateen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadda ayba ula muuqato in waqtigeeda laga soo hor mari karo doorashada, hadii caqli la isticmaalo.

“Dhinicii siyaasadda waad soo dhameyseen, laakiin hadii caqlina la isticmaalo, dadka khibradda u leh oo doorashadii hore nagala shaqeeyeyna loo adeegsado, waxaana is leeyahay wixii shalay naga halaabay xataa wey garanayaan oo shaqo tii ka qurxoon ayey qaban karaan,” ayuu yiri .

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shirkan oo beelaha Hawiye ay u qabteen madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay in maalinba ay wax soo dhismayeen Soomaaliya, rajaduna ay fiicantahay hadda.

Halkan hoose ka Daawo