Wararkii ugu dambeeyey ee shirka deg-degga ah ee golaha wasiirada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib u dhac ayaa ku yimid shir deg deg ah oo la filayey in maanta magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan golaha wasiirada Soomaaliya.

Golaha wasiirada ee xukuumadda Rooble ayaa lagu war-geliyey inuu baaqday shiraasi oo ahaa mid aan caadi aheyn, islamarkaana dib laga soo sheegi doono xilliga la qabanayo.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaan si gaar ah diirada loogu saarayo, haddii uu qabsoomo xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka iyo arrimaha Jubbaland.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa waxaa lagu wadaa inay soo saaraan go’aanno ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe, islamarkaana la xiriiro doorashada 2020/21-ka.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Khamiistii uu baaqay shirkii golaha wasiirada, sababo la xariira ka tashiga go’aanada ay soo saari doonto xukuumadda.

Jubbaland ayaa weli khilaafka salka ku hayo arrimaha gobolka Gedo wuxuu kala dhexeeya dowladda federaalka oo ciidamada badan geysay gobolkaasi.