Musharaxiinta mucaaradka oo shaaciyey ‘in boob lagu billaabay’ hantida qaranka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha ay ku midoobeen musharaxiinta mucaaradka ayaa walaac xoogan ka muujiyay heshiisyada ay xilligaan kala guurka ah dowladda dhexe la galeyso shirkadaha baara shidaalka.

Warqad ay soo saareen ayey ku sheegeen in arintaas ay tahay boob hanti qaran oo aan geed loogu soo gamban, maadaama dalka uu hadda ku jiro marxalad kala guur ah.

Wasaaradda Batroolka ayaa mudooyinkii ugu dambeysay ka shaqeyneysay ruqsad siinta shirkado laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana wafdi wasaaradda ka socda uu maalmahii ugu dambeeyay ku sugnaa wadankaas.

Golaha ay ku midoobeen musharaxiinta mucaaradka waxey nasiib darro u arkaan in xiligaan lagu soo beego heshiisyada arinta Batroolka.

Musharaxiinta ayaa sheegay in tallaabadan ay lid ku tahay nidaamka dowlad-wanaagga iyo Mas’uuliyada Qarannimo, iyadoo sidoo kalena dhaawaceysa dadaalkii iyo heshiiskii geedi socodka deyn Cafinta dowladda Somalia kula jirto Hay’adda lacgata Adduunka.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka waantoobo ku takrifalka musuq-maasuqa hantida Qaranka, isla markaana si deg deg ah u joojiyo ruqsad bixinta baarista Shidaalka dalka.

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Batroolka Xukuumadd Federaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga, iyadoo bilaabayo bixinta ruqsadaha shidaal baarista goobaha horay looga cayimay deegaanada Galmudug.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA GOLAHA: