Guddiga doorashada heer federal oo guddoon doortay xilli lagu muransan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiye iyadoo ay wali jirto doodda ku sabsan guddigan ay dowladda magacowday, oo ay kasoo horjeesteen musharaxiinta mucaaradka

Labab musharax ayaa u tartamay xilka gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal, iyadoo kulanka ay soo xaadireen 20 ka mid ah 25-ka xubnood uu guddigaan ka kooban yahay.

Maxamed Xasan Maxamed iyo Liibaan Abuukar ayaa u tartamay, waxaana gudoomiye loogu doortay Maxamed Xasan oo helay 17 cod halka Liibaan Abuukar uu helay 3 cod.

Sidoo kale Mowliid Mataan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Kheyre.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay guddiga ka maqan yihiin xubnihii ay soo magacaabeen maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo aan ku qanacsaneyn qaabka ay dowladda dhexe u wado howlaha doorashooyinka.

Sidoo kale, guddigaan waxaan kasoo horjeestay dhammaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo waxayna sheegeen in guddiga lagu soo daray xubno ka tirsan shaqaalaha Dowladda iyo hey’adda Nabad-Sugidda NISA.