Mwaghazi: Ciidanka Somalia waxay na caawiyeen xilli ay na diideen kuwa dalkeena

Kismaayo (Caasimadda Online) – Martin Mwaghazi oo ah muwaadin u dhashay wadanka Kenya ayaa warbaahinta uga sheekeeyay sida ay ciidamada dalkiisa u caawin waayeen xilli ay duruufo adag ku heysteen qeybo ka mid ah gudaha Soomaaliya.

Muwaadinkaan wuxuu sheegay inuu abaal weyn u heyn doono waligiis ciidamada amaanka Soomaaliya kuwaas oo garab istaagay isaga iyo saaxiibadiisa.

Deegaanka Raas Kaambooni ee dhaca xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayey ku xayirmeen Martin iyo lix saaxiibadiis ah kuwaas, 72 cisho ayeyna joogeen halkaas oo Kismaayo u jirta 170KM.

Xanuunka Coronavirus ayaa sababay iney gudaha u gali waayaan wadankooda, taasna waxey qasabtay iney isticmaalaan lacag gacan qabasho ah oo ay heysteen.

Wargeyska Daily Star wuxuu baahiyay in 7-daas muwaadin ee Kenya u dhashay ay maalintii isticmaali jireen lacag 5$ ah.

Duruufo adag ayaa soo wajahay muwaadiniinta markii ay ka dhamaatay lacagtii, waxey sheegeen iney xusuustooda ka go’i doonin nolosha adag ay arkeen tiiyoo ay jirtay iney ammaankooda u baqayeen.

Caqabadaha nolosha oo ku adkaaday darteed ayey caawin u doonteen ciidamada Kenya ee ka qeybta ah hawlgalka AMISOM, balse wey ku gacan seyreen, taas badalkeedana waxey caawinaad ka heleen ciidamada Soomaalida kuwaas oo cuntooyin kala duwan siiyay.

Muwaadinkaan 35-jirka ah wuxuu sheegay in qof deegaanka ka mid ah uu siiyay guri aan saqaf kore laheyn, oo mararka qaar markuu roobka da’o ay dhibaato la kulmi jireen.

“Xaqiiqdu waxey tahay, ciidamada Kenya waxey noola dhaqmeen si aan wanaagsaneyn, waxaa na caawiyay kuwa Soomaalida, waxey na siiyeen Bariis, Bur xilli aan maalmo dhan cunto la’aan joognay”

Sida la baahiyay bartamahii June ayey safar lugta ah ku aadeen deegaanka Kiunga ee ismaamulka Lamu, waxeyna muddo kadib la midoobeen qoysaskooda.