Shirka Dhuusamarreeb waa fursaddii ugu dambaysay ee madaxweyne Farmaajo

Ma suura gelin in uu meelmaro martiqaadkii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyey Maamul Gobolleedyada. Sababtuna waa in uusan fulin ballamadii uu qaaday shirkii ay madaxweynaha iyo madaxda Maamul Gobolleedyada ku yeesheen qadka Internet-ka.

Madaxweynuhu wuxuu ballanqaaday in uu hakinayo doodda sharciyada dhammeystirka doorashooyinka ee Baarlamaanka ka socda. Wuxuu kaloo ballanqaaday in uu isku soo dhaweynayo 2-aqal ee Baarlamaanka, wadatashi gooni-gooni ah uu la yeelanayo madaxda Maamul Gobolleedyada si la iskula meel dhigo goobta iyo waqtiga shirka.

Madaxweyne Farmaajo ma uusan hakin dooddii Golaha shacabka ka socotay, balse baasiin ayuu ku sii shubay kaddib markii uu soo jeediyey in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 kursi. Dhinaca kale, halkii 2-aqal la isku soo dhaweyn lahaa wuxuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka si cad u sheegay in Aqalka Sare uusan wax kaalin ah ku laheyn hawlaha doorashooyinka.

Madaxweynaha isaga oo aan cidna la tashan ayuu muddeeyey 5 ta Juulaay in Muqdisho la isugu yimaado. Sidii la filan karay Maamul Gobolleedyada intoodii badneyd way ka biya diideen, waxayna magaalada Dhuusamarreeb ku qabsadeen kulan iyaga u gaar ah. Wejigii 1-aad ee shirka Dhuusamarreeb wuxuu ku soo dhammaaday is faham iyo mowqif mideysan oo ay Maamul Gobolleedyada ka qaateen doorashooyinka 2020/21.

Taasi waxay aheyd tillaabo wanaagsan oo horay loo qaaday. Waxaa mowqifka la mid kan Maamul Gobolleedyada qaba, laakiin aan si cad u sheegin Ra’iisul Wasaaraha. Waxaa kaloo natiijada shirka taageeray saamilayda siyaasadeed oo ay ugu horreeyaan Xisbiga Wadaji iyo Madasha Xisbiyada.

Waxaase si xooggan mowqifka uga soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo oo ay ku daabanyihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ku-xiggeenkiisa koowaad.

Xukuumadda, Maamul Gobolleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadeed waxaa u muuqda in doorasho qof iyo cod ah ay u baahantahay in laga guuro nidaamka awood qaybsiga ee 4.5, lana helo amni, dhaqaale, heshiis siyaasadeed iyo farsamo la isku halleyn karo. Madaxweyne Farmaajo marna ma gelin waqtigii dadaalkii iyo hantidii loo baahnaa in doorasho qof iyo cod ah la qabto. Dhinaca kalena iskama xil saarin in la qabto doorasho heshiis lagu yahay oo xilligeeda ku dhacda.

Keliya wuxuu lasoo gole joogsaday in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taasoo ah kalimad xaq ah, laakiin baadil loola jeedo. Waxaa hal-ku-dhiggaas afka baarkiisa ah ugu sacab tumaya qaar ka mid safiirrada beesha caalamka oo la garan karo ujeedka ay arrinkaas leeyihiin.

Waxaa saamilayda siyaasadeed, bulshada rayidka iyo waxgaradka kale u muuqata halista ay leedahay muddo kordhin loo sameeyo Dowladda Federaalka ah, taasoo horseedi doonta xasillooni darri siyaasadeed oo aan ka soo kabasho laheyn.

Muqdisho waxaa ka socda abaabullo iyo shirar dalka looga badbaadinayo qalaalase siyaasadeed oo ka yimaada muddo kororsiga uu madaxweynaha qorshaynayo. Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Dowladda ku cadaadinaya in ay qabato doorasho xilligeeda ku dhacda taasoo raalli isaga yahay.

Haddaba Madaxweyne Farmaajo waxaa maanta hortallaa fursad uu inta kale kula heshiiyo la islana meeldhigo doorasho la isla oggolyahay oo xilligeeda ku dhacda, dalkana xasillooni darri siyaasadeed ka badbaadisa ama in uu gogosha Dhuusamarreeb carqaladeeyo oo lagu kula tago, meel danbe oo la iska soo qabtana la waayo, Soomaaliyana ay mar kale kala tag, xasillooni darri iyo jahwareer siyaasadeed gasho. Maanta ayuu haystaa meel uu wax ka qaban, beri talada gacantiisa kuma jirto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waa wasiirkii hore ee qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, iminkana ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid