Somaliland oo shir deg-deg ah ka yeelatay olole ay DF ka waddo degaanadeeda

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa shalay shir deg-deg ah iskugu yeertay xisbiyada mucaaridka iyo odayaasha dhaqanka, kaasi oo lagu daminayo xiisada ka dhalatay Saami-qeybsiga doorashooyinka.

Xiisada ka dhalatay saami-qeybsiga oo ay ka qeyb ka tahay dowladda federaalka oo adeegsaneysa xubnaheeda kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa guuxeeda si weyn looga dareemay gudaha Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay Caasimada Online hore ugu baahisay xog ay heshay oo ku saabsaneyd abaabulka dowladda federaalka ee ka dhanka ah xukuumada ayaa ujeedka ugu weyni ahaa in lagu dhawaaqo ‘midnimo’ iyada oo looga qiil dayayo cabashada ku aadan saami-qeybsiga ee ay ku fashilmatay xukuumada Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland oo hor kacaya dadaalada lagu rabo daminta xiisadaasi oo u muuqata mid kasii dareysa, ayaa waxa uu kulan deg-deg ah la qaatay xisbiyada mucaaridka Somaliland.

Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Muuse Biixi ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis ay ku sheegen in gebi ahaanba lagu soo afjarayo khilaafkii dabada dheeraday ee ka taagna qabsoomida doorashooyinka, iyaga oo go’aamiyeyna in doorashada lagu galo saami-qeybsigii hore oo beelo badan oo dega Somaliland ay ka muujiyeen cabasho xoogan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Biixi ayaa qasriga madaxtooyada Somaliland kulan kula qaatay Guddoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Waddani iyo Ucid.

Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa xukuumada Biixi ku marti-qaaday oo ka qeyb-galay odayaal dhaqameed, kaasi oo looga dan lahaa qancinta beelaha qaadacay qabsoomida doorashooyinka iyo daminta xiisadaasi.

Waxaana kulankaasi diirada lagu saaray arrinta saami-qeybsiga oo guux badan ka dhalisay gudaha Somaliland, isla markaana u muuqata mid caqabad hor leh ku noqoneysa qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen saddex xisbi qaran.

Inkasta oo aan is-afgarad buuxa laga gaarin kulankii shalay, haddana waxa loo balamay kulamo dambe, xili ay kulankii isku fahmi waayeen odayaal dhaqaameedkii iyo xukuumada oo la safan-yihiin xisbiyada mucaaridku.

Dowladda federaalka oo fursad u aragta xiisadaasi ka dhalatay saami-qeybsiga ayaa iyadu laftigeedu uga faa’iideysatay mucaaridada xukuumda Biixi iyo soo bandhigida mowqifka ay aaminsan-yihiin xubnaha kasoo jeeda gobolada waqooyi ee ku jira dowladda federaalka, kaasi oo ku qotoma ‘Midnimada’.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, wallow aysan helin aqoonsi caalami ah, iyada oo dowladda federaalku ay si weyn uga soo horjeedo sheegashada Somaliland ee madax-banaanida.