Farriin ka timid Madaxweyne XASAN

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa Umda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabada 59-Guuradii ka soo wareegatay Maalinta Calanka Soomaaliyeed .

12-Kii, Octobar, 1954, Tii ayay aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago Ciideena Soomaaliya, waxaana maalintaasi laga joogaa, 59, sano sida uu ka dhawaajiyaya madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay inay jiraan Dad badan oo nasiib u yeeshay ka qeyb galka Munaasabadan kuwaas oo goob joog u ahaa maalintii ugu horeysay ee Calankeena laga taago Ciida Dhulkeena Hooyo , taas oo uu sheegay inay u tahay Mid Farxad u ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in umada Soomaaliyeed gar ahaan Bahda warbaahinta laga doonayo weyneynta Maalintan iyo in ay ka sameeyaan Barnaamijyo Gaar ah oo ka hadlaya ahmiyada Maalintan.

Sanada Soo aadan ayuu sheegay inay isku diyaarinayaan Dabaal Dagga 60, Sano guuradii kasoo wareegatay Markii Soomaaliya ay ciidadeeda Calan ay iyady leedahay ay ka mudato Taas oo uu sheegay inay tahay waxa kaliya ee Umadaha kale aan kaga Muuq Duwanahay .

Calankeena ayaa ah mid ka duwan Calamada kale ee Wadamada Caaalamka Muuq iyo Midab intaba, Waana Baluug Cirka oo kale ah Dhex Bartamahana ku leh Xidig Cad oo Shan Gees leh , Mid walibana uu ka turjimayo qeyb Dalkeena Kamid ah .

Halkaan ka dhageyso Fariinta Madaxweynaha

halkaan ka dhageyso FARIINTA madaxweynha Somalia

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com