Masiibo kale oo ka dhacday xeebaha Talyaaniga (Faah-faahin)

Roma (Caasimada Online) War naxdin leh ayaa naga soo gaaray xeebaha Talyaaniga,kaasoo ah in doon ay la socdeen 250 oo qof ay ku degtay xeebaha Talyaaniga.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay  in ugu yaraan 27-qof oo la socday doonta degtay ay ku dhinteen, waxaana la soo badbaadiyay 100 dad ku dhow.

Doonta ayaa la soo wariyay in ay degtay habeenkii xaley sida uu goordhow sheegay wariyaha BBC-da Roma ee Aadan Sabriye.

Ra’iisal wasaaraha Malta ayaa ku tilmaamay musiibadan in xeebaha Talyaaniga iyo Malta ay noqdeen qabuuraha dadka.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga iyo kuwa Malta ayaa wada baaritaan tan iyo xaley, waxaana ay raadinayaan dad tiradooda u dhexeeya 30 ilaa 50.

Dhacdadan ayaa timid  maalin uun kaddib markii la soo badbaadiyay 500 00 qof oo la socday dooni in ka badan 24-saac ku jiray badda.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii doon ay la socdeen in ka badan 500 oo qof ay ku degtay xeebaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga.

In ka badan 300 oo kalena waa ay ku dhinteen, dhacdadaas halka 150 kalena meydkooda laga soo saaray badda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo shilal noocan oo kale lagu soo wariyo xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Libya, waxaaba la lee yahay xilligan waa xilligii ugu darnaa waayo badda ayaa kacsan dabeelna waa ay socotaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

Caasimada@live.com