Khilaafka DFS iyo Jubba oo meel xun gaaray & Ethiopia oo soo fara gelisay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wafdi kasocda dowladda Ethiopia ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro magaalada Kismaayo, oo ah xaruunta maamulka KMG ah ee Jubba, isaga oo xal raadinaya.

Wafdigaan ayaa sida la sheegay halkaas u tagi doona ineey dhex dhexaadiyan Khilaaf soo cusboonaaday oo markale soo kala dhexgalay doowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Waftiga dowladda Ethiopia u dirayso Kismaayo ayaa la sheegay in dhex dhexaadin cusub ay doonayan inay ka dhex bilaaban dowladda faderaalka iyo maamulka Jubba,maadamaa la sheegay in xiligaan markale ay maamulka Jubba ka soo hor jeesten baaqyo ka soo baxay dowladda oo ay ugu horeyso shir dhawaan ay dowladdu ku baaqday in lugu qaban doono magaaladda Muqdisho,waxana maamulka Jubba uu sheegay inaysan shirka ka qeyb galeen taas badalkeeda shirkaasi lugu qaban doono Kismaayo.

Waxaa maalmahaanba soo if baxayay oo circa isku sii shareerayay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, khilaafkaasi oo salka kuhaya shirka arrimaha Jubbooyinka ee dowladu iclaamisay in 21-ka Bishan uu Muqdisho ka furmayo, ayadoona hogaanka ugu sareeyay maamulka Jubba ay sheegeen inaysan ka qeyb geli doonin shirkaasi.

Maamulka Jubba ayaa iyagu qaba ama aaminsan in heshiiskii iyaga iyo DFS ay kusoo kala saxiixdeen magaalada Addis-Ababa uu ka harsanyahay oo kaliya shirka ka dhici doona magaalada Kismaayo, halka DFS ay iyaduna qabto in shirka Muqdisho uu asal u yahay heshiiska ay labada dhinac wada gaareen.

Caasimada Online

Xafiiska Addis-Ababa

Caasimada@live.com