Xujey Soomaaliyeed oo Kenya Ku xaniban & Safaarada oo ka hadashay

Nairobi (Caasimada online) Safaaradda Soomaalida ah ee dalka Kenya, ayaa waxay ka hadashay Soomaali loo diiday inay Xajka u duulaan , xilli ay doonayeen inay ka Amba Baxaan Garoonka Diyaarahada ee dalka kenya .

Safiirka Safaarada Soomaalida ah ee Dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Americo, oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in dadkaas Soomaalida ah ee Garoonka Diyaarahada Kenya lagu Xanibay ay ka kala Yimaadeen Magaalooyinka Kenya iyo Xiryaha Qaxootida Dalkaas.

Wuxuu sheegay in Sababta Bixitaankooda loo hor istaagay inay tahay kadib markii lagu arkay Sharciyo Been Abuur ah oo ay wateen , kadib markii Dad Sida uu sheegay Muqalasiin ah ay ka iibsadeen Shiciyo Been Abuur ah .

Safiirka ayaa sheegay inay ka safaarad ahaan ay dadaal dher u gali doonaan sidii dadkaan aysan kaga Baaqan gudashada Waajibaadka XAJKA .

Soomaali aad u badan ayaa ku xaniban iminka Garoonka Diyaaradaha Kenya, Kuwaas oo doonayay inay qeyb ka noqdaan Muslimiinta Sanadkan Gudanaya Waajibaadka Xajka , Waxaana lagu eedeynayaa inay Sharciyo Been abuur ah Ku bixi rabeen.

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com