28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Naafo Hilib loogu qeybiyey KISMAAYO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ku dhawaad 750 qoys oo isugu jiray dad curyaamo ah iyo kuwo tabaaleysan ayaa munaasabadda Ciiddul-Adxa darteed hilib loogu qeybiyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Hay’ad samafal ah oo lagu magacaabo Somali Relief Network of North America (SRNNA) ayaa gawracday 150 neef oo ari ah, waxayna hilibka u qeybisay dad naafo ah oo isugu jira dad indhaha la, kuwo dhagooleyaal ah iyo kuwo curyaamo ah.

Madaxa SRNNA, Aadan maxamed Ciise ayaa sheegay inay hay’addooda howlo samafal ah horey uga fulisay Xaafuun, Garoowe, Afgooye, Ceelasha Biyaha iyo Kismaayo.

Aadan ayaa sheegay inay dhowaan qorsheynayaan inay xarun lagu xannaaneeyo dadka curyaamada ah ka furaan magaalada Kismaayo.

Hay’adda Somali Relief Network of North America (SRNNA) ayaa saldhig ku leh dalka Canada ee Waqooyiga Ameerika.

Naafo (1)Naafo (3)Naafo (4)

- Advertisement -

Read more

Local News