Sawirro: Madaxda dalka iyo shacabka Muqdisho oo meel ku wada dukaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Masjidka weyn Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta si siman salaada ugu wada dugtay dad shacab iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka ee ka qeybqaatay Salaada ciid, ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna ku-simaha Madaxweynaha Dalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Mas’uuliyiintaasi, ayaa waxa ay maanta salaaddii ciidda kula tukadeen Masjidkaasi kumanaan dadweyne ah oo isaga kala yimid Degmoyinka kala duwan ee Gobolka Benaadir.

Salaada kadib ayaa waxaa Khudbad ka jeediyay Masjidka ku-simaha Madaxweynaha dalka, isagoona Khudbadiisa diirada ku saaray Nabada iyo Xasiloonida waxa uuna dhambaal nabadeed u diray Malaayiinta Soomaalida ee ku nool dalka iyo daafaha Caalamka.

Dhanka kale, Prof Jawaari ayaa waxa uu bulshada soomaaliyeed ku booriyay inay iscafiyaan iskuna naxariistaan maadaama abaaro iyo dhibaato adag ay ka jirto dalka,isla markaana ay u gurmadaan dadka tabaaleysan.

DAAWO SAWIRADDA

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????