MUQDISHO oo lagu arkay isbaarooyin aan noocooda horay loo arag oo ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia lagu arkayaa Isbaarooyin cusub oo ay wadooyinka dhiganayaan Ciidamada ilaalada ka ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Inta badan ishu waxa ay qabaneysaa Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Ilaalada wadooyinka oo gaadiidleyda ku qabsanaaya sharciga gaariga ama kan lagu kaxeynaayo, iyadoona ay wadayaasha ka qaatan lacago dhan 5$ ama 10$ oo marka la fiiriyo u muuqaneyso mid ay ku fududeynayaan gaadiidka miineysan oo lagu fulinaayo weerarada ismiidaaminta ah.

Mid kamid ah Askarta wadooyinka ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamadu ay yihiin kuwa ku nool lacagaha ay ka qaatan wadayaasha gaadiidka gaar ahaan kuwa ku dhaca qaladyada waxa uuna intaa raaciyay in lacagtaasi aysan u gudbin xafiisyada loogu tallo galay maaliyada, balse ay siiyaan Ubadkooda.

Askarigaasi oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta ayaa waxa uu yiri ‘’haddii aan nahay ciidamada wadooyinka 24-saac taagan ma jirto cid lacag nasiineyso, Carruurteena waxa ay naga sugayaan lacag ay masruuftaan, sidaa darted waxan ku qasbanahay inaan mushaarkeena ka dhacsano gaadiidka aan ku qabano qalad ama wadayaasha aan la heyn sharciga’’ ayuu yiri

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Ciidamada DF uusan ka dhaxeyn ixtiraam, isagoona Tilmaamay in gaadiidka ay la socdaan madaxda ay kala kulmaan hanjabaado ama qoryaha lagu taago, taasina ay tahay mid ay DFS ugu tallo gashay in Ciidamadu ay is haligaan.

Dhanka kale, waxaa arrinta Isbaarada cusub oo ay dhiganayaan Ciidamada wadooyinka Cabasho adag ka muujinaayo wadayaasha gaadiidka oo sheegay in Isbaaradaasi aysan waxba dhaamin tan taalla wadooyinka looga baxo duleedka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com