Xog: Xaaska Xasan oo ka dambeysay in xabsiga laga daayo C/llaahi Sh. Xasan

Marwada 1-aad ee dalka Sahra Cumar Xasan, ayaa waxay fududeysay in Xabsiga Godka Jilacow ee Magaalada Muqdisho laga sii daayo Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan, xilli lagu xiray gelinkii dambe ee Arbacadii.

Siyaasiga, ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde, mar uu safar kaga soo laabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, iyadoo Nabad Suggidu ay u sheegtay in uu xarig yahay, sidaana lagu xiray.

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in haweeneydaan oo ku heyb ah Siyaasiga, ay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiisatay, in si deg deg ah Godka Jilacow looga soo sii daayo.

Madaxweynaha oo khadka teleefanka ay ku wada hadleen Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, ayaa waxa uu ka codsaday in xoriyadiisa la siiyo Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabadda & Dimoqraadiyada C/laahi Sheekh Xasan.

Siyaasigaan, ayaa caweysnimadii xalay dib u helay xoriyadiisii, wuxuuna xarigiisii ka dambeeyay, iyadoo loo heysto in uu taageeray weerarkii uu Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), isaga difaacay Hay’adda Nabad Suggida iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom.

C/laahi Sheekh Xasan waxaa Khamiistii shalay la horkeenay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka, waxaana laga qoray eedemihii lagu soo oogay, iyadoo uu si adag kaga horyimid, isla-markaana waxaa loo qabtay in 21-ka bishaan uu horyimaado Maxkamada Gobolka Banaadir.

Ina Sheekh Xasan oo wareysi siiyay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku hanjabay inaanu ka hari doonin cidii soo xirtay, isla-markaana uu kala xisaabtami doono ujeedadii ka dambeysay in la soo xiro.

Marwada 1-aad ee dalka, ayaa sidoo kale waxaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay tallaabadii lagu sii daayay Axmed Xasan Cadow, Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir, 19-kii bishii hore ee September. Waxaana la xiray 15-kii bishii August.

Isha: dhacdo.com