Nabaddoon Cali Jeesto oo shaaciyey hal mid kaliya oo ay ku aamini karaan Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 ee Yaasiin Farey loo boobay oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aaminada Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku xiran tahay go’aanka laga qaato kursigaas lagala cararay beeshii laheyd.

Nabaddoonka oo garabkiisa uu fadhiyo xildhibaanka beeshiisa ku metela baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in caddeymo wax ku ool ah u gudbiyeen Guddiga xalinta khilaafaadka, oo ayagu shalay shaaciyey muddo kordhin lagu sameeyay baarista dacwada kursigaas.

“Umadda Soomaaliyeed iyo qowmiyadda kursiga HOP#067 lagu metelo waxaan rabaa inaan gaarsiiyo xaqiiqdada iyo meesha ay wax joogaan, sidaan horay u sheegnay ma jirin talo beeshu leedahay oo lagu doortay kursigaas, rag ayaa damcay inay xoolihii qaranka iyo askartii qaranka ku boobaan, waxaana boobkaas watay sii hayaha xilka taliyaha hey’adda NISA Yaasiin Farey, sidaad ogtihiina beesha waa diiday boobkaas,” ayuu yiri Nabaddoon Cali Jeesto.

Nabadoonka oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Anigu waxaan ahay nabaddoonkii iyo saxiixihii lagu aaminay kursigaas, waxaana bulshada ku hoggaamiyaa rabitaankooda, dacwad ayaan ka gudbinay boobka lagu sameeyey kursiga, waana la hakiyey, waxaana gacanta ku haya guddiga xallinta khilaafaadka.”

Nabaddoon Cali Jeesto ayaa sheegay in isaga uu yahay nabaddoonka saxda ah ee beeshiisa, islamarkaana uu guddiga xalinta khilaafaadka u gudbiyey caddeymo badan oo muujinaya in uusan jirin nabaddoon kale.

“Waxaan guddiga u gudbiyey aqoonsigeyga ay isiiyeen labadii maamul Goboleed ee soo martay Galmudug, waxaan kusii kabay caddeyntii Imaamka Mudulood uu ku caddeynayey inaan ahay odaygii beeshaan, maanta wuxuu Xildhibaanka Galmudug nagu metela sii caddeynayaa in aan ahay Nabaddoonkii isaga soo saxiixay, mana jiro Nabaddoon aan aniga aheyn oo Galmudug ka diiwaan-gashan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Wuxuu intaas ku sii daray “Guddiga xallinta khilaafaadka, maadaama aan intaas oo caddeyn ah u gudbiyey waxaa looga fadhiyaa inay go’aan caddaalad ah ka qaataan kursigaan, haddii ay natiijada kursigaas ansixiyaan, iyadoo intaas oo caddeyn ah la hor geeyey, Soomaaliyey waad dareemi kartaan waxa socda.”

Ugu dambeyntii Nabaddoon Cali Jeesto ayaa sheegay in aaminaada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ku xiran tahay go’aanka laga qaato kursigaan loo boobay Yaasiin Farey ee beeshii laheyd ay cadeyneyso in lagala cararay.

“Waxaan rabaa inaan si gaar ah ula hadlo Ra’isul Wasaaraha xil-gaarsiinta ah, doorashada adigaa laguugu aaminay, mas’uuliyadeeda adigaa haya, Soomaalida dhan adiga ayey ku fiirsaneysaa, kursigaas sida aad u maareyso ayey ku xiran tahay in lagu aamino iyo in lagaa aamin baxo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Nabadoonka beesha Waceysle.

Hadalka Nabadoon Cali Jeesto ayaa kusoo aaday, xilli maanta uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka mudo todobaad ah ku darsaday xiliga baaritaanada iyo go’aan ka gaarista kursaasta sumadooda ay kala tahay HOP#067 iyo HOP#103.

Labadaan kursi oo kala taalla Dhuusamareeb iyo Baydhaba waxaa horay cabasho uga keenay qaar kamid ah musharixiintii ku tartami laheyd oo sheegay in doorashada laga hor-istaagay, guddiga doorashooyinka ayaana horay u sheegay in baaritaanada kadib ay natiijada rasmiga ah shaacin doonaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii