Nabaddoon kale oo caan ah oo habeenkii labaad oo xariir ah lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Nabadoon Sheekh Cabdi Faniinte ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa geystay koox bistoolado ka hubeysan oo aan heybtooda la garan.

Dilka Nabadoonkaan ayaa ku soo beegmay xilli xalay sidaan oo kale degmada Hiliwaa loogu Nabadoon Sheekh Salaad Ciise, oo ahaa wadaad ganacsade ah.

Waxaa xusid mudan in labada Nabadoon ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho lagu wada dilay ay ka soo jeedaan beesha Saleebaan ee Habargidir.

Si gaar ah, labada wadaad ee labadaan habeen ee isku xigta Muqdisho lagu beegsaday waxay ka soo wada jeedaan magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud oo dhawaan Al-Shabaab lagu laayey.

Mudooyinkaan dadka reer Muqdisho waxay ka nasteen beegsigii badnaa ee kooxda Al-Shabaab, balse waxaa bedalay tuugo iyo ciyaal weeraro khasaare badan ka geystay caasimadda.

Hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa baacsiga tuugada iyo ciyaal weerada, taas oo sababtay in Muqdisho laga mamnuuco isku socodka mooto Bajaaj-ta, wixii ka dambeeya 12:00 AM – saqda dhexe ee habeenkii.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhibsaday bandowgaan aan la shaacin waqtiga laga qaadayo, waxayna mooto Bajaaj-tu muhiim u tahay hoyaadka dadka ganacsada iyo kuwo danahooda kale ugu daaha gudaha magaalada.