Nabadoon caan ah oo lagu dilay Ifo.

Kooxo hubaysan ayaa Nabadoon caan ah waxaa ay ku dileen Xerada Ifo ee gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya.

Marxuumka ayaa u dhintay dhowr Risaas oo lagu cel celiyay,waxaana ay kooxaha hubaysan ay ku dileen Nabadoonka Bartamaha Xerada Ifo oo ay ku noolyihiim dadka barakacayaasha.

Kooxaha ayaa dilka kadib goobta ka baxsaday iyadoo Ciidamada Amaanka magaalada oo goobta soo gaaray ay xireen dhowr qof oo lala xiriirinayo dilkaas.

Marxuumka ay dileen kooxaha burcada ah ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Wali Maxamad Diiriye  waana nabadoon Caanka ahaa Gobolada Jubooyinka.

Dilalkan ayaa ka qayb ah Amaandarida ka jira Xeryaha loo barakacay ee dalka Kenya ee Soomaalida ay dagto.