Intay al-Qaacida sii dhacayso, waxaa soo baxaya Ansaar al-Shareeca.

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Booska bannaan ee uu abuuray kacaanka waddamada Carabta gudihiisa, kooxo Islaamiyiin ah oo xagjir ah ayaa samaynaya tiro kooxo cusub si ay ujeedooyinkooda u riixaan.

Garabka hore ee Salafiyiinta awoodda leh ee Tuniisiya, Libya iyo Yemen ayaa ku midaysan tabeelaha “Ansaar al-Shareeca”. Markii hore, falaanqeeyeyaal badan ayaa rumaysnaa in kooxahan cusub ay ahaayeen isku-day ay Salafiyiinta hadda kula qabsanayeen xaaladda cusub, isla markaana ay ugu dambayntii ka tanaasuli doonaan fikradda qaska ku salaysan ee jihaaddoonka.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu sharraxayo Cabdellah Rami oo ah cilmibaare u dhashay Morocco, Kooxaha Ansaar al-Shareeca ayaa hadda u shaqaynaya sida “waji-caqiideedka, kaydka iyo dhaqaale bixiyaha al-Qaaciddada hubaysan”.

Haddaba wakaaladda warar Sabahi ayaa la fariisatay Rami, oo ah siyaasad falaanqeeye ku taqasusay kooxaha Islaamiyiintaa oo ka tirsan Xarunta Morocco ee Cilmiga Bulshada, si aan ugala munaaqashoonno ififaalahan cusub iyo waxa ka dhalan kara.

Sabahi: Ma u aragtaa muuqaalka tirada kooxaha salafiyiinta isku magacaabaya Ansaar al-Shareeca inay yihiin wax kadis ah mise waxay ka qayb tahay qorshe ballaaran?

Abdellah Rami: Ma u maalaynayo inay iska dhacday. Shaki la’aan waa natiijada wadatashi iyo qorshe loogu dan lahaa in dib loogu soo nooleeyo jihaadiyiinta salafiyiinta ah ee xaaladda ay abuureen Kacdoonkii Carabta ee aagga.

Tani waxaa xaqiijiyay caddeymo badan, sida kulamadii la qabtay iyo hoggaamiyayaaashii ka dambeeyaay abaabulka, oo intooda badan ahaa bar-tilmaan jihaad oo taariikho jihaad ku leh Afgaanistaan iyo meelo kale.

Arrinta la xiriirta magaca, waxaan filayaa waxa ay jawaab u tahay rajadii Osama bin Ladenkahor intaan la dilin, oo kooxdiisa waydiistay in la badalo magaca al-Qaacida, loona dooro magac cusub oo u dhow damiirka Muslimiinta. Waxa ay u muuqataa magaca “Ansar al-Sharia” waxa uu ku haboon yahay ujeedadaan, isagoo bixinaya bar-tilmaameednimadiisa iyo saameyntiisa xooggan ee dareenka diinta Bulshada Muslimiinta. Sidaa daraadeed, magacaa la iskama dooran, balse waxa uu ahaa natiijo katimid qorshe iyo isku raac. Waxaa loo doortay isagoo ku salaysan ahmiyad xoog badan iyo calaamadda magaca.

Si walba oo ay ahaataba, waa in aan sidoo kale ogaanaa magaca nafsad ahaantiisa ma ahan mid cusub, maadaama uu bixiyay Abu Hamza al-Masri, oo hadda ku xiran Ingrisiiska, oo ay sidoo kale doon doonayaan Mareykanka iyo Yemen isagoo lala xiriirinayay jarriimooyin argaggixiso, isagoo mar hore u bixiyay magaca kooxdiisii uu London ku aasaasay markii u Afgaanistaan kasoo laabtay 1994-tii. Abu Hamza waxaa ka go’neyd in uu ka dhigo Ansar al-Sharia urur caalami ah oo faracyo badan ku leh dalal badan.

Hoos u dhaca taageerada al-Qaacida

Sabahi: Tani ma magac badalka al-Qaacidaa, sidii uu bin Laden soo jeediyay, mise kooxahan cusub waxay muujinayaan kala go’a salafiyiinta iyo shabakadda caalamiga ah ee argagixisada?

Rami: Maya, kala go’ ma jiro. Aragtidayda, Kooxaha Ansaar al-Shareeca iyo al-Qaacida waa labada dhinac ee hal shilin. Ansaar al-Shareeca waxay muujinaysaa qatar kordhaysa, ka soo qaad inay tahay dacwo [wacdi] lagu ballaarinayo al-Qaacidda. Waxaan kala jeedaa waxay qayb ka noqon kartaa waxa aan u arki karno inuu yahay dib u qaabaynta xiriirka ka dhaxeeya salafiyiinta jihaaddoonka ah iyo bulshooyinka muslimiinta ah.

U janjeerka al-Qaacidda ee qaska iyo falalka hubaysan ayaa horseeday hoos u dhaceeda iyo sii xumaanshaheeda.

Ansaar al-Shareeca, isla mar ahaantaa, waxay u timid inay ka taqallusto xaddidaadda iyo go’doominta ay al-Qaacidda la dhibtoonayso. Tani waa ahmiyaddii bin Laden uu ugu yeeray dadka taabacsan inay ka fikiraan magac cusub oo uu ururka yeesho, kaas oo awood u siinaya inay bulshada ku soo dhex noqdo isagoo sita waji cusub oo ay suuragal tahay in la aqbalo, laakin aan laga tanaasulin caqiidadii jihaaddoonka ee salafiyiinta, iyadoon la sameyn wax isbeddel caqiido.

Sabahi: Maxay tahay sababta hoos u dhacan taageerada al-Qaacidda?

Rami: Sababta ugu muhiimsan waxay tahay in warbaahintu ay joojisay buunbuuninta al-Qaacida, haddana waxaa saaran culays sirdoon iyo mid millateri oo adag hab-dhismeedka iyo calaamadaha al-Qaacida. Billowgeedi, al-Qaacida waxay si xooggan ugu tiirsanayd in howlgalladeeda lagu baahiyo janaallada dayax-gacmeedka taasoo ahayd hab wayn oo magaceeda ay ku muujiso, ku gudbiso farriinteeda oo ay ururka ugu xayaysiiso dalalka Mulimka ah, taasina waxay ballaarisay xiriirkeeda dadka u laab furan iyo taageereyaasha ay ku leedahay dalalkaas. Taasi waxaa sii dheer, dabcan, kaalinta al-Qaacidda ee suugaanta internetka.

Si kastaba ha ahaatee, dharbaaxada al-Qaacidda ku dhacday, culayska millateri, sirdoon iyo culayska saxaafadda ay ku hayso, iyo hoos u dhaca howlgalladeeda ayaa ururka dhexe ka dhigay mid hoos u dhacayay tan iyo sanadkii 2005, taasina waxay dhalisay, in dadka u laabfuran iyo taageereyaasha ay ka dhaqdhaqaaq bataan al-Qaacidda lafteeda.

Iyadoo taas laga tixraacayo, waxay ku fikireen baahida qaab cusub oo uu ururka yeesho shardina laga dhigo in dacwada lagu ballaariyo, la dhexgeliyo oo saqafkeeda lagu adkeeyo bulshada iyadoo la adeegsanayo qudbooyin, fursado shaqo oo asxaan ah oo bulshooyinka u dhow. Kacdoonka Carabta ayaa si lixaad leh u fududeeyay unkashadan waxaanuu u sameeyay faa’iido ah inay salafiyiinta si xornimo leh ay gees-ka-gees isku qabsdaan kaddib markii bulshooyinka gobolka ay iska dul-qaadeen awood xooggan oo ay ku maamulayeen kali-teliyeyaasha.

Sabahi: Waa maxay cilaaqaadka dabiiciga ah ee u dhexeeya al-Qaacidda iyo Ansaar al-Shareeca? Ma waxaa jira xiriir urureed oo ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha?

Rami: Isku xirka ugu wayn ee ka dhexeeya labada waa caqiidada midaysan. Kooxaha Ansaar al-Shareeca waxay caqiiddo ahaan midaysan yihiin al-Qaacidda, waxayna dhammaantood qirayaan u daacad ahaanshahooda taliska al-Qaacidda ee Waziristan, inkastoo aysan jirin xiriirro urureed.

Tani way caddahay, sida arrinta Yemen, halkaas oo al-Qaacidda ay wada joogaan Ansaar al-Shareeca. Xaqiiqdii, waa isku mid, wayna isku dhow yihiin, laakin isku nooc uma shaqeeyaan. Waxaa la oran karaa Ansaar al-Shareeca waxay matashaa garabka caqiido ee la dhisay ee salafiyiinta hadda ee jihaaddoonka ah ee ballaaran, halka al-Qaacidda ay matasho garabkeeda hubaysan. Si kale haddii loo dhaho, Ansaar al-Shareeca waa waji-caqiideedka, kaydka iyo dhaqaale bixiyaha al-Qaaciddada hubaysan.

Fikirka salafiyiinta oo diiday dimuquraadiyadda

Sabahi: Waa maxay siyaasadda laga filan karo Ansaar al-Shareeca?

Rami: Habka siyaasadeed ee ay kooxahan rabaan waa aas-aaska khaliifo sida Taliban u samaysan iyadoo jihaad lagu raadinayo. Sababaha macquulka ah ee ay salafiyiintu ku diideen noocyada siyaasadda rayidka iyo maamulka rayidka. Ansaar al-Shareeca ma aqbali karto dimuquraadiyadda, maxaa yeelay dimuquraadiyaddu waxay ogolaanaysaa inay dumarku wax maamulaan, iyadoo keeni karta siyaasad furfuran ama Kirishtaan; wax aanay salafiyiintu marnaba aqbali karin. Ma aqbali karaan wax aan ka ahayn xukunka shareecada, xukunka shareecadana aragtidooda waa in la oggolaado habka Taalibaan oo kale ah.

Tani waxaa laga aaminsan meelaha ay salafiyiinta ka maamulaan Mali, Soomaaliya iyo Yemen, daciifnimada awoodda dowladaha dhexe darteed iyo xukuumadaha siyaasadeed ee aan adkayn. Meelahan, waxay qaab ahaan leeyihiin dowlado iyo maamullo sida Taalibaan oo kale u samaysan, isla qaabkii, wax cusubna ma jiraan.

Arrinta ugu muhiimsan ayaa waxay tahay inay abuuraan awood boolis oo maskaxeysan oo ay ku faraan dhaqanka wanaagsan, kuna reebaan fasahaadka, kaddibna ay dab qabadsiiyaan dukaamada lagu iibiyo canjaladaha muuqaalka iyo kuwa maandooriyeyaasha lagu iibiyo, ay kala geeyaan ragga iyo dumarka, ay gacanta la galaan barnaamijyada waxbarashada, ay burburiyaan qabuuraha, isla markaana ay baabi’iyaan wax kasta oo ay u arkaan inay shareecadda ka hor imaanayso.

Tani wuxuu macnaheedu yahay inuu na wajjahay hab dhaqankii xukunkii Talibaan oo kale.

Waraysigan waxaa qaaday Mawassi Lahcen oo jooga Kasablanka.