Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay dagaal ka socda Hiiraan iyo wararkii ugu dambeeyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khsaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka qarxay deegaanka Ceel Qooxle oo qiyaastii 35 KM dhanka bari kaga beegan deegaanka Moqokori.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen deegaankaas oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad hubeysan oo toos ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana dadka ku dhintay ka mid ah Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo caan ka ahaa gobolka Hiiraan, kaas oo dhowaan qoriga qaatay, kuna biiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Nabadoonkii guud ee Beesha Cali Madaxweyne, waxaana geeridiisa si weyn looga dareemaya baraha bulshada ee Internet-ka.

Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa dhankiisa shaaciyey in dagaalka uu weli socdo, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

“Howlgaladu waa sii socdaan hadda aan kula hadlayo dagaal ayaa ka socdo deegaanka Ceel Qooxle oo ku yaallo xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe,” ayuu yiri Muumin Maxamed.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu baahiyey bogga wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay daabacday wakaaladdu.

“Ciidamada Xoogga oo garabsanaaya dadka deegaanka ayaa aroornimadii hore ee saaka dagaal kula galay maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiran. In ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab ayaa dilay deegaanka Ceel Qooxle” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay wakaaladda wararka SONNA.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo milatari iyo abaabul ciidan laga dareemayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.