Nabadoon kashifay xaqiiqda deegaano Mudug ah oo ay sheegatay PUNTLAND

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xili uu meel xun gaarsiisan yahay Khilaafka dhul ee u dhexeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Ugaas Axmed Wali oo ka mid ah Nabadoonada Daga Deegaanada Puntland.

Ugaas Axmed Wali waxa uu sheegay inuu arrin khaldan u arko hadalkii maalinimadii shalay kasoo yeeray Maamulka Puntland, wuxuuna ku tilmaamay inay ceeb ku tahay in Puntland ay Sheegato Gobolka Mudug oo Idil.

Ugaas Axmed Wali ayaa Tilmaamay in isaga shaqsi ahaan uu degan yahay Deegaanada Puntland, balse uu aad uga soo horjeedo waxa loogu yeero gardarada ama faragalinta.

Wuxuu sheegay in Gobolka Mudug uu yahay Shan Degmo Labo iyo Laban loo kala dagan yahay,halka uu Xusay in Magaalo Madaxda oo ah Gaalkacyana lawada dagan yahay.

‘’Waa nasiib daro in Puntland ay faragalin ku sameyso deegaano aan khuseyn, waayo Taariikh ahaan iyo dhul ahaanba Puntland shaqo aysan ku laheyn Deegaanada Galmudug’’

Dhanka kale Ugaaska ayaa waxa uu ka digay dagaal Dhiig badan uu ku daato oo dhexmara Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Haddalka Ugaaska ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo maalinimadii shalay ay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Maamul ay Warbaahinta isku mariyeen Hadalo Kul kulul oo sababi kara dagaal dhex mara labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

Caasimada@live.com