Xog: Xilka gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho oo la kala qaadayo + Siyaasi lagu qancinayo iyo xaalka Muungaab

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Damujadiid ayaa qorsheenaya inay gudoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabaan Cabdullaahi Sanbaloolshe oo dhowaan golaha Wasiiradu ka qaadeen xilka agaasimihii Hay’adda Nabadsugida Qaranka.

Kooxda Damujadiid ayaa dooneysa inay kala qaado Duqa magaalada Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu haatan isku hayo Muungaab.

Xasan Sheekh iyo Kooxda Damujadiid ayaa u balan qaaday Cabdullaahi Sanbaloolshe inay siiyaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo weliba la hoos keenayo dhamaan laamaha amniga Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damujadiid ayaa kala shaki uu soo kala dhex galay ayaga iyo Muungaab, ayaga oo tuhun ka qaba safarada badan oo Gudoomiyaha iyoDuqa Gobolka Banaadir uu ku booqanayo Dalal badan oo ka tirsan caalamka.

Kooxda gaarka ah ee Xuuraanka u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay heleen in Muungaab doonayo inuu kamid noqdo Musharaxiinta u taagan Tartanka madaxtinimada Dalka ee sanadka 2016-ka, sidaa daraadeedna Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damujadiid bilaabeen raadinta mas’uulkii ay siin lahaayeen Duqa Magaalada Muqdisho, halka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir-na ay siinayaan Cabdullaahi Sanbaloolshe

Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa shacabka Muqdisho ku sheegeen inuu ahaa nin hawlgaladiisa intii uu joogay Hayadda Nabadsugida isugu jireen qeybo wanaagsan iyo qeybo xun.

Wasiirka Amniga Ereg iyo Sanbaloolshe ayaa shacabka Muqdisho sheegayaan hawlihii hubka dhigista aan qorshaha loo sameyn ee soo boodada ahaa oo ay Muqdisho ka sameeyeen ay soo kordhyeen amaan uu dareemayo shacabka.

Magaaladda Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu hoos u dhacay hubkii lagu kala gadan jiray agagaaraha Daarta Zobe. Sidoo kale waxaa aad hoos ugu dhacay xabadihii micna la’aanta ee maliishiyaadka iyo ciidamada Dawladdu ka dhex ridi jireen Magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa qeybihiisa xun lagu sheegay inuu ahaa nin aad u dabeecad qalafsan aan la shaqeyn jirin Golaha wasiirada iyo Wasaaradda amniga, sidoo kale Sanbaloolshe wuxuu ahaa nin aan ilaalin sharciga iyo xuquuqul insaanka, wuxuu si toos ah ugu xirnaa kaliya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Garsoorka Faarax Cabdulqadir.

Ujeedka Magacaabida Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu caburiyo Saxaafadda xorta ah iyo Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta aaminsan fikir ka duwan kan kooxda Damu Jadiid oo uu Hogaankooda Xasan Sheekh uu dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan inuu mar labaad xilka qabto marka la gaaro sanadka 2016-ka. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damujadiid ayaa haatan diyaargarow adag ugu jirta sidii xukunka dalka u qabsan lahaayeen isbedelka la filayo sanadka 2016-da.

Ku dhawaaqida Xasan Sheekh ee ah inuu yahay Musharax Madaxweyne sanadka 2016-ka ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Damujadiid Bilaabeen inay la wareegaan Jagooyinka Muhiimka ah ee Amniga iyo ilaha dhaqaalaha Dalka iyaga oo isticmaalaya company-yo ka diiwaan gashan dalka Turkiga, Dalka Turkey ayaa ah mid kalsooni ka abuurtay shacabka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com