Dhageyso: Axmed Daaci oo si cajiib ah uga hadlay xarigiisa iyo qorshe socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), ayaa waxa uu ka hadlay tallaabadii xabsiga looga soo sii daayay, ka dib muddo 35 maalmood ah oo uu u xirnaa Dowladda Federalka ee Somaliy.

Axmed Xasan Cadow waxaa la xiray 15-kii bishii hore ee August, ka gadaal markii Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu soo jeediyay, waxayna ka dambeysay dagaal adag oo uu kala horyimid Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Axmed Daaci waxa uu shalay Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay xaflad lagu soo dhaweynaayay sii deysmadiisii, isagoona ka sheegay in weligiis uu ahaa nin nabadda ka shaqeeya, hadda ka dibna uu ka shaqayn doono.

“Xaqiiqdeedu aniga waxay ahayd weligey inaan nabad ku dadaalo intii karaankayga ah, laakiin shaatiga haddii lagula gashto, nabad laguma dadaali karo. Laakiin intii shaatiga nalala heysan oo naloo daayay inaan cadiifad ku badalno, nabadaa ka shaqayn jirnay managa suurtowdo.” ayuu yiri Axmed Xasan Cadow.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Maamulkii Tarsan, waxa kaloo uu yiri “Aniga sidaad iga rajeyneysiin dadka Soomaaliyeedow, dadka Muqdishoow iyo dadka reer Wadajirow waa halkaasi.”

Isagoo dib u jaleecaayay xabsigii uu soo maray toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa waxa si kaftan leh u sheegay in xabsiga loo dhisay in lagu xiro ragga, isla-markaana uu ka mid yahay uun kuwii loogu talla galay.

“Xabsiyada aad arkeysiin ari, geel iyo lo’ looma dhisin waxa loo dhisay rag, raggaana ka mid nahay. Waxaan kaloo idin sheegeynaa waxaaba la xiraa nin aan weligiis dad xiran, aniga nin wax soo maray oo wax xiri jiray, ayaanba ahay.”

Axmed Xasan Cadow wuxuu mahadcelin u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwoodii ka qayb qaatay sidii xabsiga looga soo fasixi lahaa.

Halkan ka dhageyso Axmed Daaci

Isha: Dhacdo.com