XOG: Maxaadan ogeyn oo ka dhacay madaxtooyada magaalada Kismaayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Maamulka KMG Jubba, ayaa inoo xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Maamulkaasi uu Habeenimadii xalay halkaasi ku qabtay Kullan xasaasi ahaa.

Ilo-wareedka ayaa inoo xaqiijiyay in Kullanka uu ahaa mid u dhexeeyay Axmed Madoobe iyo Odayaal ka tirsan Beesha Sade oo taageersan Maamulka KMG Jubba.

Kullanka ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid looga hadlaayay Xaalada kacsan ee Axmed Madoobe kala dhaxeysa Col. Barre Hiiraale, waxaana Odayaashaasi uu Axmed Madoobe ka codsaday inay u safraan Magaalada Muqdisho islamarkaana ay si gaar ah Barre ugala soo hadlaan rabitaankiisa Khaska ah.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu Odayaashaasi Beesha Sade ee isaga taageersan u ballan qaaday inuu ka bixin doono lacagaha safarka iyo waxyaabaha ku baxaayo inta ay joogan Muqdisho, isagoona sheegay inuu gudoon siin-doono dhaqaale adag waa haddii ay kusoo guuleystaan xal u helida Arrimaha kala dhexeeye Barre.

Odayaasha ayaa la sheegayaa in xiligaani ay ku howlan yihiin safar Muqdisho si ay Barre kala hadlaan waxyaabaha gaarka ah ee uu ka tabanaayo Axmed Madoobe.

Lama Oga sida uu Barre Hiiraale Odayaashaasi uga Ogolaan doono fariimaha kaga imaanaya Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com