Nabadoon Xaad oo shaaciyay tallaabada xigta kadib xoreynta Wabxo iyo Cowswayne

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa bogaadiyay howl-gallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ka wadaan dalka ee lagu baacsanayo Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa ka socda gobolka Galgaduud.

“Waxaa bogaadinayaa guulaha ay ciidamada ka gaareen meelo kamid ah gobolka Galgaduud, guulahaas waxaa leenahay hambalyo oo runtii waa wax lagu naaloon karo, Ilaahay garabkiina ha galo waa u duceynaynaa,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xoreynta deegaanadan ay xigeyso xoreynta Ceelbuur iyo kuwa kale ee deegaanadaasi ee weli ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka.

“Waqtiyada soo socda waxaa rajeynaynaa in lagu sii siqayo Ceelbuur iyo Galhareeri iyo meelaha weli ku harsan ee gabaadka u ah, hore u socda anaguna Ilaahay ayaa idinka rajeynaynaa inuu guusha idin hansiiyo.”

Wuxuu ugu baaqay shacabka ku sugan deegaanada weli ku harsan yihiin dagaal-yahaanada Al-Shabaab in gacantooda ka baxaan oo aadan deegaanada la xoreeyay ee ka agdhaw, si aysan gabaad uga dhigan argagixisada.

“Waxaa ugu baaqeyna inay gacantooda ka baxaan oo ka tagaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan oo kusoo laabtaan meelaha la xoreeyay ee Wabxo iyo Cowsweyne iyo dhulkaas oo ciidamada ka dhigtaan gabaad,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Waxa uu intaas kusii daray “Wax laabasho la dhaho majiraan oo dhulka waa la qabanaa, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaalkan horkacaya waa inay aaminaan dowladooda, askartooda iyo dadka xoreynaya.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ku booriyay shacabka inay dowladda iyo ciidankooda ku garab istaagaan dagaalka Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaanada ay weli ku harsan yihiin, islamarkaan uu dhamaaday waqtigii argagixisada ee Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xooggaga Kacdoonka Shacabka (Macawisley) ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay deeganka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, ayaga oo maalin ka hor la wareegay Wabxo iyo deegaano kale.

Cowswayne ayaa ah deegaan muhiim ah oo dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab u ahayd goob ay ka difaacaan degmada Ceelbuur, taasi oo uu ku wajahan yahay duulaan culus, si looga xoreeyo kooxda.

Dagaal-yahaanada Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa iskaga cararay kadib markii ay ogaadeen in awoodda ciidanka qaranka aysan u babac dhigi karin, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Ciidamada Qaranka iyo dad deegaankaee iskaashanaya ayaa sidoo kale la wareegay deegaano ballaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale iyo Goobo kale oo Galgaduud ka tirsan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidamada huwanta, waxaana ciidamada ay kooxda ka sifaynayaan dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen.

Si kastaba, howl-galladaan ayaa imaanaya xilli ciidamo aad u badan toddobaadyadii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Dhuusamareeb ay jihada bari kaga dhaqaaqeen magaalada Ceelbuur.