Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdixakiim Maxamed Yuusuf oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay xilkaas ayaa maanta munaasabad ka qabsoontay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimahii hore ee Madaxtooyada.
Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyntii waxa uu u mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dhammaan maamulka iyo hpwl-wadeennadii lasoo shaqeeyay.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in sanadkii uu xafiiska joogay uu wax la taaban karo ka qabtay horumarinta maamulka Madaxtooyada iyo fulinta siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Agaasime Cabdixakiim oo horey u ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa munaasabadda xil-wareejinta kusoo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka.
Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu adkeeyay sida ay maamul iyo hawl-wadeen waajib ugu tahay in Madaxweynaha lagu garab istaago dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.
Agaasimaha cusub ee Villa Somalia ayaa si gaar ah u xusay in muhiimad gaar ah uu siin doono doorka shaqo ee Madaxtooyada uga aaddan horumarinta dalka, dayn cafinta iyo dhammeystirka Dastuurka, waxa uuna ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyadda loo igmaday.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed oo asaguna ka qayb-galay munaasabadda ayaa u mahad-celiyay agaasimihii hore ee Villa Somalia, waxa uuna agaasimaha cusub u rajeeyey in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda qaran, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtooyada.