Nairobi: Shiweyne muhiim ah oo looga hadlaayo Tallaabada Barclays

Nairobi(Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online, ee magaalada Nairobi, waxaa maanta oo Arbaca ah, lagu wadaa in halkaas uu ka dhaco shirweyne looga hadlaayo tallaabada uu qaaday bangiga Barcalys ee dalka Ingiriiska, kaasoo sheegay in uu xiraayo dhammaan xiisaabaadka xawaaladaha Soomaalida.

Wariyaha ayaa soo sheegay in shirkan ay ka soo qaybgali doonaan dhammaan safiirada caalamiga u fadhiya Nairobi, sida Britain, USA, diplomaasiyiin iyo hey’addo dhawaan ka digay arrintaas oo ay ku jirto Oxform.

Wariyaheena Nairobi, ayaa sidoo kale soo sheegaya in shirkan looga hadli doono siddii waddamada caalamka iyo hey’addaha gargaarka ay kaalin uga qaadan lahaayeen in uu ka laabto go’aanka bangiga Barclays.

Si kastaba, bangiga ayaa sheegay dhawaan in ilaa bishan loo qabtay xawaaladaha Soomaalida, wixii ka dambeeyana la xiri doono.

Tallaabada bangiga Barclays waxaa hubaal ah in ay saameen ku yeelan doonto Soomaali badan oo ku nool dalkii hooyo kuwaasoo ku tiirsanaa dhaqaalaha ka soo gala eheladooda iyo asxaabtooda ku nool Ingiriiska.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala