Natiijada codkii kalsoonida ee loo qaaday R/W Boris Johnson

London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa ka badbaaday cod kalsooni ah oo ay u qaadeen xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, hase yeeshee waxaa aad loo wiiqay awooddiisa ayaada oo tiro aad u badan ay diideen.

Natiijada codka loo qaaday Johnson ayaa noqotay 211-148, taasi oo uu ku qeexay “natiijo qayaxan oo lagu qanci karo.” 

“Dowlad ahaan horey ayaan u socon karnaa oo diiradda saari karnaa arrimaha muhiimka ah,” ayuu weriyayaasha u sheegay. 

Codka — oo yimid laba sano un kadib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashada guud — ayaa la keenay kadib markii xisbiga Tory-ga ay hareeyeen fadeexado dhowr ah. 

Waxaa ugu weynaa fadeexadda “Partygate” ee soo shaac baxday markii uu xaflad ku qabtay xafiiska Downing Street xilli shacabka kale la geliyey xayiraad sababo la xiriira cudurka Coronavirus, taasi oo dhalisay caro dadweyne, kana dhigtay ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee sharciga jebiya isaga oo xafiiska jooga.  

Johnson oo 57 jir ah ayaa u baahnaa taageerada 180 xildhibaan si uu u badbaado — taasi oo ah aqlabiyadda 359-ka xildhibaan ee xisbigiisa ugu jira baarlamanka. 

Guuldarro ku dhacda ayaa ka dhignaan laheyd inay soo geba-gebowdo hoggaankiisa xisbiga iyo xilka ra’iisul wasaaraha. 

Waxaa hadda ay diiradda u wareegeysa haddii Johnson uu ka badbaadi karo inuu lumiyey kalsoonida tiro sidaas u badan oo ah xildhibaanadiisa — iyo haddii wasiiro sare ay is-casili doonaan.

Codbixino hore oo ay sameeyeen xubnaha Tory-ga, Margaret Thatcher iyo Theresa May ayaa labadaba ugu dambeyn is-casilay inkasta oo ay si dirqi leh uga badbaadeen codka kalsoonida oo loo qaaday.  

“Dowladda Conservative-ka waxay hadda rumeysan tahay in jebinta sharciga aysan caqabad ku aheyn sameynta sharciga,” waxaa sidaas yiri Keir Starmer oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labor-ka.

“Xisbiga Conservative-ka wuxuu hadda rumeysan yahay in shacabka Britain aysan xuquuq u laheyn inay fishaan siyaasiyiin daacad ah,” ayuu yiri. 

Codbixinta ayaa saaka oo Talaado ah qabsatay bogagga hore ee wargeysyada Britain, ayada Boris Johnson loogu yeeray “nin dhintay oo socda.”