Natiijada doorashooyinka Gobolka Maroodijeex iyo Hargeysa oo lagu dhawaaqay

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa hadda lagu dhawaaqay natiijada doorashadii golaha deegaanka degmada Hargeysa ee caasimada Somaliland iyo golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex, oo saacadihii u dambeeyay si weyn loo wada sugayay.

Natiijada la shaacinayo hadda ee degmada Hargeysa iyo golaha wakiilada gobolka Maroodijeex ayaa noqoneysa middii u dambeysay ee degmooyinka si horudhac ah loo shaaciyo, maadama degmooyinka iyo gobolada kale ee Somaliland lagu dhawaaqay natiijooyinkii horudhaca ahaa ee golayaasha deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saddexda xisbi oo si weyn ugu loolamay magaalada Hargeysa ayaa waxa hogaanka u haya xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo helay 7-Xubnood, waxaa ku xiga xisbiga Kulmiye oo isaguna helay 6-Xubnood, halka xisbiga Ucid uu helay 4-Xubnood.

Natiijada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex ee ayadna la shaaciyey ayaa waxa uu xisbiga Kulmiye helay 8-Xubnood, halka xisbiga Waddani uu helay 7-Xubnood iyo xisbiga Ucid oo helay 5-Xubnood

Natiijooyinka golaha deegaanka degmada Hargeysa iyo mida golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex ayaa si weyn loo wada sugayay, maadama uu yahay gobolka ay kasoo baxaan xubnaha ugu badan ee golahaas, islamarkaana ay sida weyn ugu loolamaan xisbiyadu.

Doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka ee toddobaadkii hore ka qabsoomay gobolada iyo deegaanada Somaliland ayaa ahaa kuwo si weyn indhaha loogu hayey, waxaana codeeyay dad ka badan 1-Milyan oo qof.