Natiijo hordhac ah oo laga soo saaray baarista dilkii taliyihii Booliska Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddigii loo xil saaray baarista dilkii taliyihii qeybta booliska gobolka Hiiraan ayaa soo saaray natiijo hordhac ah, kadib markii ay baareen qaabka loo dilay Taliye Maxamed Macow.

Guddigaan ayaa sheegay in baaritaanka meel wanaagsan uu marayo, islamarkaana dadkii loo xeray falka dilka ay maanta ay maxkamad kasoo muuqan doonaan, si wax looga weydiiyo cidda amartay inay dilkaasi geystaan.

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Hirshabeelle Cali Dhuux Mahad Alle ayaa hogaaminaya guddi uu madaxweyne Waare u magacaabay dilka taliye Macow, waxaana uu sheegay in hadda rajo wanaagsan laga leeyahay in xaqiiqada banaanka la keeno.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay la kulmeen ehelada taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Marxuum Maxamed Macow Xalane,isla markaana la isku afgartay in Maanta oo jimco ah meydka  la’aaso.

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Dhame Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in baaritaankooda ay kusoo qabteen 6 ruux oo ku eedeysan dilka taliyihii qeybta booliska Gobolka Hiiraan,isla markaan weli baaris kale ay wadaan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horey u balanqaaday inuu  cadaalada heli doono Kornel Macow, sidoo kalana wuxuu sheegay in dhamaan reer Hirshabeelle ay cadaalad heli doonaan.

Dilka taliyaha ayaa sii huriyay xiisaddii u dhaxeysay madaxweyne Waare iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday, waxaana dowladda Soomaaliya dhankeeda ay guddi u magacowday dhacdada ka dhacday deegaanka Kalabeyr.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com