Maxamed Bin Salmaan walaashiis oo dalka France lagu maxkamadaynayo

Waxa lagu dhawaaqay waqtiga la qaadi doono dacwada lagu soo oogay gabadha la dalatay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiya Boqor Salman.

Boqorad Hassa Bint Salman ayaa lagu soo oogay in ay ku amartay waardiyaheeda in uu garaaco nin loo shaqaalaysiiyay in uu qurxiyo hayga ay ku leedahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Gabadhan la dhalatay dhaxal sugaha Sucuudiga ayaa wajihi doonta bisha soo socota Maxkamad la xariirta amarka ay ku bixisay in waardiyeedu garaaco ninkan shaqaalaha ah.

Hassa bint Salman ayaa la filayaa in ay ka maqnaato dhagaysiga Maxkamada oo lagu wado in ay qabsoonto 9 July sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP.

Dhibanahan ayaa loo qaatay in uu naqashadeeyo boqorada guriga qaaliga ah ee ay ku leedahay caasimada Faransiiska sannadkii 2016, ninkan ayaa muuqaalo sawirro ah ka qaaday gudaha qolka ay daganayd boqoradu, kadib boqorada ayaa ku eedaysay in uu doonayay in sawirrada ka iibiyo warbaahinta.

Mudo yar kadib waxay sababtay in ay amarto waardiyaheeda in uu weeraro ninkan waxey ku qaylinaysay,”Dill isaga, Eyga, uma qalmo nolosha”

Ninkan dhibanaha ah ayaa sheegay in wajiga laga dhaawacay, halka gacmaha laga xidhay ka hor inta aan lagu qasbin in uu Dhunkado ama Shumiyo lugaha boqorad Muddo saacaddo ah kadib, halka qalabkiisii lagala wareegay shaqadana laga eryay sideed casho.

Waardiyahan hore ayaa loo xukumay sannadkii 2016 danbiyo isticmaal Hub,hanjabaadyo iyo in uu dad ka hor istaagay rabitaankooda.

Boqorad Hassa bintu Salman ayaa isaga carartay Faransiiska, halka dalabka warqadda dacwadda loo jaray in lagu soo xiro la soo saaray December sannadkii 2017, balse waqtigaas laguma guulaysan in lasoo qabto.

Gabadhan ayaa la dhalatay dhaxal sugaha Sucuudiga Boqor Maxammed bin Salman.

Haweenaydan oo ah 40 sano jirka ah ayaa warbaahinta Sucuudigu ku amaantay in ay shaqadeedu tahay caawinta iyo xuquuqda Haweenka.

Boqorad Hassa ayaa ku noolayd wadada Avenue ee galbeedka caasimada Faransiiska, halkaas oo ah meel aad ugu fiican dalxiiska, waxa ku yaala guryaha ugu qaalisan caasimada Faransiiska.

Xigasho: BBC