25.9 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Somaliland iyo MU oo shalay heshiis MUHIIM ah ku saxiixday Addis Ababa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland iyo Jaamacada Mekelle University ayaa shalay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis is-faham (MoU).

Agaasimaha guud ee Wasaarada Biyaha Somaliland, Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Gudoomiyaha Jaamacada Mekkele University Dr Atto Kindeya, ayaa heshiiskaasi is-faham kala saxeexday.

Heshiiskan ayaa sidoo kale waxa diirada lagu saaray is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta qorshayaasha ay ka mid yihiin: qaabeynta hirgalinta mashaariicda, khayraadka biyaha iyo horumarinta qaybta siyaasada biyaha.

Agaasimaha guud ee wasaarada biyaha Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyey heshiiskaasi, wuxuuna yiri “Farxad weyn ayay ii tahay inaan joogo madashan aanu ku kala saxeexanayno heshiiska Is-faham aniga iyo jaamacada Mekkele University, ee ku saabsan dhinacyada horumarka”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan jecelahay inaan u mahadnaqo Madaxweynaha Jaamacada Mekkele University Dr Atto Kindeya iyo dhamaan kooxda oo nagu qaabilay si saaxiibtinimo leh anaga oo la saxeexanay heshiis is-faham”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News