Waa ayo cidda khilaafka doorashada Somaliland ka gaari karta xalka u dambeeya?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan xisbiyada ee ku aadan doorashooyinka Somaliland.

Xildhaan Maxamed Qabile ayaa ka dhawaajiyey inay Somaliland ay caado u noqotay dibu dhaca ku yimaada doorashooyinka, isagoona ka hor-yimid heshiis ay wada gaareen xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo ku aadana qabsoomida doorashada.

Xildhibaan Qabile ayaa sidoo kale waxa uu taageero u muujiyey xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kaasi oo uu sheegay inuu xisbigu xaq u leeyahay in laga bedelo Komishanka uu kalsooni darada ka muujiyey, isagoona xusay in Waddani wax uu dooneyn lagu marsiin karin qasab iyo juujuub.

Xildhibaanka oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu sheegay in cida ay ka go’do qabashada doorashadu ay tahay Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna yiri

“Waxa dhaqan iyo caado inoo noqday inay Doorashooyinku kolba dib ay u dhacaan, laba Xisbina Doorasho ma gali karaan, Xisbiga Waddani-na wuxuu xaq u leeyahay in laga bedelo Komishankan uu kalsooni darada ka muujiyey, Xisbiga Waddani waxaanu doonayn qasab, cabudhin iyo juujuub laguma marsiin karo, ee waa in Komishankan la bedelaa, oo la magacaaba Komishan kalsoonida la wada siiyo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Daahir Rayaale iyo Axmed Siillaanyo-ba hore ayey Komishanka u bedelaan, ee Xisbiyada murankoodu waa meel soke ee Madaxweyne taladda ugu dambaysa ee Doorashadu adiga ayey ka go’daa ee waxba ha ka meereysan ee Komishankana kala dir, wax kasta oo Doorashada ku dhici kartana adigu fududee, wax kasta oo Doorashada dhicitaankeeda caqabad ku ahna meesha ka saar”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com