NATO oo war xasaasi ah ka soo saaray duulaanka Ruushka ee Ukraine kadib shir deg deg ah

Brussels (Caasimada Online) – Wadamada ku bahoobay ururka NATO ayaa bayaan ka soo saaray shir deg deg ah oo maanta ay ka yeesheen duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, iyagoo cambaareyn ku bilaabay war-saxaafadeedkooda.

Waxaan ugu baaqaynaa Ruushka in uu si degdeg ah u joojiyo weerarka millatari, oo dhammaan ciidamadiisa uu kala baxo Ukraine, kana soo laabto dariiqii gardarada ahaa ee uu doortay.

“Weerarkan muddada dheer la qorsheeyay ee lagu qaaday Ukraine, oo ah waddan madax-bannaan, nabad ah oo dimuqraadi ah, waa arxan-darro oo gebi ahaanba aan damiir lahayn oo aan sabab lahayn. Nabadda qaaradda Yurub ayaa asal ahaan burburtay. Dunidu waxay la xisaabtami doontaa Ruushka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka NATO.

Sidoo kale qoraalka NATO waxaa lagu shaaciyey in Ruushka lagu soo rogay cunaqabatayn ballaaran oo aan horay loo arag, “Waxaan si buuxda u garab taagannahay madaxweynaha sida dimuqraadiga ah loo soo doortay, baarlamaanka, xukuumadda Ukraine iyo shacabka geesiyaasha ah oo hadda difaacaya dalkooda hooyo,” ayey tiri NATO.

“Waxaan howlgelinay qorshayaasha gaashaandhigga ee NATO, si aan isu diyaarino ka jawaabida xaalado kala duwan iyo is baheysi dhul oo sugan, waxaan hadda samaynaynaa difaac dheeraad ah oo la taaban karo oo cudud ciidan ah, kuna wajahan dhinaca bari ee isbahaysiga. Tallaabooyinkeenu waxay ahaa doonaan kuwo ka hortaga, saami-qaybsi ama wax kasta oo aan kor u kac lahayn.”

Ugu dambeyntii bayaanka NATO waxaa lagu cadeeyey in ururku uu u mideysan yahay difaaca dhammaan dalalka xulafada, “Sida uu dhigayo qodobka 5-aad ee heshiiska Washington, waa mid adag xoriyaddu mar walba waxay ka adkaan doontaa dulmiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay shirkii NATO.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in ciidanka Ruushka uu gudaha u galay caasimadda Ukraine, ilaa hadana ma jiro wadan cudud militeri ku garab istaagay wadanka lagu duulay ee Ukraine, waxaana muuqata in looga baxay balan qaadyo ay ka heysteen wadamo uu ugu horeeyo Mareykanka.