Netanyahu oo ay tallo gacantiisa ka baxday iyo caga jugleynta Erdogan oo…

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa mar kale ka hadlay Go’aanka ay wadamada Muslimka ah kaga hor imaaden qorshaha ay caasimada uga dhiganayaan magaalada Qudus.

Benjamin Netanyahu, waxa uu sheegay inaysan geysan xadgudub balse keliya ay doonayaan waxa uu ugu yeeray hormarinta Israel.

Dowlada Turkiga iyo kuwa saaxiibada la ah ayuu sheegay inay ka dheereynayaan talaabooyinkooda waxa uuna carab dhabay in Qudus ay gali doonto gacanta Israel, sida uu yiri.

Waxa uu Benjamin Netanyahu, si dadban u ballanqaaday inuusan ka waaban doonin qorshayaasha horyaal Israel, waxa uuna carab dhabay inay ku taagnaan doonaan Mowqifkooda rabitaanka Qudus.

Benjamin Netanyahu, waxa uu intaa raaciyay in Israel ay qaabab kale taageero uga raadsan doonto Midowga Yurub, iyadoo aan la eegeynin go’aankii lagu diiday Qudus.

Sidoo kale, Benjamin Netanyahu waxa uu Midowga Yurub ugu baaqay inay u janjeersadan Israel oo uu sheegay inay ahmiyad gaara u aragto Qudus.

Haddalka iyo rajada Benjamin Netanyahu ayaa imaaneysa iyadoo Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Federica Mogherini ay ku gacanseertay baaqii xukuumada Tel Aviv ee ku aaddana in Midowga Yurub uu raaco tallaabadii hogaamiyaha Maraykanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com