Maxaa kusoo kordhay qorshaha isku dhafka ciidamada DF ee lagu diyaarinayo Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland si xooli ah uga socda dhameystirka qorshaha isku dhafka ciidamada Somalia ee ku sugan degaanada Maamulka Jubbaland.

Qorshahan ayaa waxaa wada Wasaarada Gaashandhiga Xukuumada Somalia oo wafdi ka socda ay hadda ku sugan yihiin magaalada Kismaayo si ay u dhameystiraan qorshaha isku dhafka ciidamada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo ka hadlaayay qorshaha isku dhafka ayaa sheegay in dowladu ay ku guda jiro gabagabeynta isku dhafka ciidamada.

Waxa uu Maxamed Cali Xagaa, sheegay in ay wadaan qorshaha dhameystirka Ciidamada Dowladda, waxa uuna carabaabay inay kusoo afmeeri doonaan muddo aad u yar, si looga gudbo marxaladaha taagan.

Maxamed Cali Xagaa,waxa uu tilmaamay in howlaha iminka harsan ay yihiin kuwo aad u yar isla markaana ay rumeysan yihiin in ciidamadaasi ay diyaar noqon doonaan wakhtiga loo qabtay.

‘’Waxaan mareynaa talaabooyinkii ugu danbeeyay ee lagu dhameystiraayo howlaha isku dhafka ciidamada dowlada ee ku sugan deegaanada Jubbaland’’

Sidoo kale, waxa uu ballanqaaday inay soo afmeerayaan qalabeynta ku socta ciidamada si buu yiri ay Wasaaradu uga soo jeesato kaalintii loo xil saaray.

Geesta kale, Wasaarada Gaashandhiga ayaa si xooli ah kuwada diiwaangalinta ciidamada loogu tallo galay inay booska kala wareegan kuwa AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com