Sheekh Nuur Baaruud: Waxaa jira dad soo jeediyay in leyga musaafuriyo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga taakuleynta Ciidamada Qalabka sida Sheekh Nuur Baruud Gurxan, ayaa ka hadlay warar kala duwan oo kaga imaanaya dhanka Siyaasiyiinta qaarkood ee carada ka qaaday hadalo uu ka jeediyay munaasabado ka dhacay Muqdisho.

Wadaadka waxa uu sheegay in hadalada uu jeediyay uu kaga soo horjeeday Mooshinka dhaqanka laga dhigtay ee la doonaayo in Xildhibaanada qaar ay ku burburiyaan dalka, xili ay jiraan cadow badan oo ay leedahay nabadda.

Isagoo dib u milicsanaaya haddalka uu jeediyay ayuu yiri ‘’Anigu waxaan dhahay Xildhibaanada Mooshinka kawada Xukuumada guryahooda ha lagu tuuryeeyo, kuwa dhaqaalaha kasoo qaatay dowladaha shisheeye ee nabada diidan ha laga mantajiyo’’ ayuu yiri Sheekh Nuur waxa uuna intaa raaciyay in hadalkaas loo fasiray qaab khaldan oo aan munaasib aheyn.

Sheekh Nuur Baaruud, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisan aysan saameyn ku yeelan doonin eedaha ay usoo jeedinayaan Siyaasiyiinta ka gadooday haddalkiisa, waxa uuna tilmaamay inay mas’uuliyad ka saran tahay inta karaankiisa ah inuu badbaadiyo dalka.

Sheekh Nuur Baaruud, waxa uu sheegay in hadalada leysla dhexmaraayo Baraha Bulshada ay tahay in laga musaafuriyo dalka, waxa uuna sheegay sababta loo safrinaayo.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Maalmahaan waxaan maqlayay in la leeyahay Wadaadka hala taxriilo oo goormaan Ajnabi noqday, halkeesa ley tarxiilayaa,waa yaab kuwaas waa kuwa Qaranka duminaya ee dowlad diidka ah’’ ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan”

Sidoo kale, Baaruud ayaa sheegay inuu ku adkeysan doono mowqifkiisa ku aadan taageerida Dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxa uuna arrin aad u fool-xun oo khalad ah ku sheegay in la dumiyo dowlad dhisan.

Dhinaca kale, waxa uu wadaadka ku baaqay in laga fogaado nin jecleysiga iyo in la taageero Siyaasad liidata oo lagu duminaayo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com