“Nicholas KAY wuxuu inoo sheegay in uu Soomaaliya Madaxweyne ka yahay”

Muqdisho (Caasimada Online) – C/laahi Aadan Cali ‘’Shaleyte’’  oo kamid ah Wasiirada Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Somalia oo la hadlaayay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in kulamo ay la qaateen Nicholas Kay iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS uu ku soo idlaaday Fashil.

Shaleyte waxa uu sheegay in Kulanka ay labadaasi Mas’uul la qaateen uu fashiliyay Nicholas Kay, kadib markii uu Tilmaamay in Maamulka Lixda Gobol looga baahan yahay inay ku daba feelaan Maamulka Seddexda Gobol.

‘’ Waxaan moodnay in Nicholas Kay uu xalka Somalia ka shaqeynayo balse waxa uu noo muujiyay ad adeeg, waxa uuna noo sheegay in Dalka uu isaga ka yahay Madaxweyne’’ Sidaa waxaa yiri Shaleyte

Sidoo kale, Shaleyte waxa uu sheegay inaysan jiri doonin Rajo muujineysa inay ku biiraan Maamulka Seddexda Gobol, waxa uuna Tilmaamay inuu sii kordhay Khilaafka kala dhexeeyo Maamulka 3-Gobol.

‘’Haddii aynu nahay Maamulka Lixda Gobol talo iyo tusaale nagalama dhexeyso Maamulka Seddexda Gobol iyo DF, waayo waxa ay meesha ka saareen Cadaalada iyo jiritaanka ‘’ ayuu yiri Shaleyte

Shaleyte ayaa waxa uu Cadeeyay in Kay uu is moodo inuu u dhashay Dalka Somalia, waxa uuna Taasi ku sheegay mid sii kala fogeyneysa isu soo dhawaanshaha la naawilaayo inuu ka dhex dhaco Labada Maamul.

Dhanka kale, Haddalka Shaleyte, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili Magaalada Baydhabo ay dhawaan gaareen Wufuud ay kamid ahaayen Guddoomiyaha Baarlamaanka DF iyo Kay, kuwaasi oo kulamo qabyo ah la qaatay Maamulka 6-3 Gobol, waxa uuna sheegay in kulanka ay ku kala kaceen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com