Arag sawirada: Somaliland oo yeelatay Passport cusub, yaase aqoonsan?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xariga ka jaray qaadashada Baasaboor cusub oo nooca E-Passport ah, kaasoo dadka Somaliland wixii maanta ka danbeeya ay qaadan doonaan.

Passporkan cusub ayaa ah mid u gaar ah maamulka Somaliland, waxaana qofkii ugu horeeyay ee qaata noqday Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Passpor-kan cusub ayaa la ogeyn qaabka uu ugu shaqeyn doono caalamka, maadaama aysan jirin aqoonsi ay Somaliland loo aqoonsan yahay dal ka madax bannaan Somalia.

Guud ahaan Shacabka Somaliland iyo xubnaha maamulkaasi ayaa xiliyada ay safrayaan waxay ku socdaalaan Passport-ka Somalia oo caalamka aqoonsan yahay.

Maalintii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay ilaa 50 Passport oo loo waday Hargeysa, kuwaasi oo saarnaa Fiisooyin ay bixisay Safaaradda Sudan ee Muqdisho.

pass1pass2pass3pass4pass5pass6