26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Key oo degdeg looga yeeray Hargeysa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa u yeeray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicholas Key iyagoona kala hadli doona arrimo xasaasi ah.

Wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Nick Key uu immaan doono magaalada Hargeysa 18-ka illaa 19-ka bisha August isla markaana ay kala hadli doonaan arrimo quseeya arrimaha gargaarka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan kala hadli doonin arrimaha siyaasadda iyo wax quseeya Soomaaliya.

Mar uu ka hadlaayay xiriirka u dhexeeya xafiiska UNSOM iyo maamulka Somaliland wuxuu tilmamaay in xiriir fiican uu ka dhexeeyo oo ay lee yihiin wadashaqeyn.

Horrey ayaa maamulka Somaliland ay uga mamnuuceen danjire Key in uu yimaado magaalada Hargeysa waxaana ay sheegeen in uu wakiil u yahay Soomaaliya kaliya.

Waxaa kaloo maamulka Somaliland uu diidday in garoomada ay maamulaan ka soo degaan diyaaradaha u kireesan QM balse go’aankaas mardambe ayey ka laabteen

Ma cadda wax yaabaha iska badalay maamulka Somaliland oo ku aadan in ay xiriir fiican la lee yihiin xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa in ka badan 20-sanno baadi-goob ugu jirta aqoonsi caalami ah, balse ilaa hadda ma aaney helin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News