Nidaamka yaabka leh ee Al-Shabaab ay canshuuraha uga ururiso MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan canshuuro iyo lacago baad ah ka qaada ganacsatada Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, iyo weliba shaqsiyaad ka tirsan dowladda, sida ay dhawaan daboolka ka qaaday warbixin cusub oo la shaaciyey.

Warbixintaasi oo dhawaan uu daabacay Machadka Daraasaadka Amniga ee HIRAAL ee fadhiggiisu yahay magaalada Muqdisho, ayaa lagaga hadlay qaabka ay Al-Shabaab usoo ururiso canshuuraha ay qaado, iyada oo adeegsaneysa Bankiyo kala duwan, ganacsato iyo shaqsiyaad kale.

Waxa ugu horeyntii warbixintaasi lagu sheegay in Al-Shabaab ay hal lambar oo isku mid ah u isticmaasho la xiriirka ganacstada iyo shaqsiyaadka ay canshuurta ka rabto ee isku deegaanka ah, taasi oo fududeynaysa cabsi gelinta dadkaasi oo ka xaqiijin kara shaqsiyaadka ay qaraabada yihiin ee kooxdaasi ku jira.

Canshuuraha ay kooxda Al-Shabaab ka qaado Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa waxa loo soo aruuriyaa qaabab kala duwan, kuwaasi oo mararka qaar ku xiran xaddiga lacageed ee la uruuriyay, goobta ganacsigu ku yaal iyo meelaha ay gacanta ku hayaan dagaalyahanadaasi, sida lagu xusay warbixinta.

Arrinta yaabka leh ee lagu sheegay warbixinta HIRAAL ayaa ah in saraakiisha u qaabilsan Shabaabka soo ururinta lacagahaasi ay mararka qaar si toos ah ugu tagaan meelaha iyo ganacstada laga rabo lacagta, isla markaana kasoo qaada lacag kaash ah, kuwaasi oo ka baxsan meelaha ay gacanta ku hayaan.

Shabaabka ayaa badanaa waxa lacagaha canshuurta ku ridaan ama ku aruriyaan xisaabaad (akoono) bangi oo ku diiwaan-gashan shaqsiyaad ganacsi leh iyo kuwa aan laheyn balse damaanad buuxda ka haysta saraakiisha sare ee kooxdaasi.

“Waxa jira xubno Al-Shabaab ah kuwaas oo iska dhiga in ay ganacsato yihiin isla markaana shaqadoodu tahay in ay fududeeyaan uruurinta iyo dhaqdhaqaaqa lacagta. Tusaale ahaan, qof ganacsade ah oo raba in uu lacago ka xawilo meelo ay Shabaab ka taliso ayaa lacagta u dhiiba xafiiska maaliyadda ee Shabaab, kaas oo isna u tilmaama ganacsade kale oo AS xiriir laleh kuna sugan dhulka dawladdu ka taliso, kaas oo ganacsadihii hore siiya lacagtiisii isaga oo kubixinaya lacag cashuur ah oo uu kasoo qaaday ganacsade kale” ayaa lagu yiri warbixinta HIRAAL

Canshuurta ay kooxdu bishii aruuriso ayaa lagu sheegay marka la isku wada daro inay tahay ugu yaraan 15-milyan oo doollar, taasi oo ka dhigeysa in maleeshiyadaasi ay ganacsatada iyo dadka kaleba ka qaado canshuuro ka badan midda dowladda.