Xog: Maxaadan ogeyn oo uu Sheekh Shariif ka wadaa magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib bilooyin dhowr ah oo uu ku maqnaa wadamada dariska.

Saacado kadib markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa gurigiisa buux dhaafay qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan odayaal dhaqan, siyaasiin hore, Xildhibaano iyo madax ka tirsan ururada haweenka.

Guriga Sheekh Shariif ayaa laga dareemayaa mashquul badan waxaana jira kulamo uu durba bilaabay inuu la qaato qaar kamid ah dadkii gurigiisa soo booqday si ay usoo dhaweeyaan.

Villa Somalia ayaa mashquulka guriga Sheekh Shariif u aragta abaabul doorasho oo uu si toos ah uga bilaabay Muqdisho halka madaxda kale ay ka wadaan wadamada dariska la ah Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa muddo ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kadibna soo maray magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kula soo kulmay xildhibaano iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Imaanshaha Shariifka ee Muqdisho ayaa ka dhigan inuu dib ugu soo laabtay saaxada siyaasadda dalka, isaga oo ka gaabsaday intii uu socday loolankii heshiiska doorashada ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah iyo madax goboleedyada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in muddadaas uu Shariif ku maqnaa wax loogu yeeray “xeelad siyaasadeed” oo ay qeyb ka ahayd inuu yareeyo ka hadalkiisa siyaasadda dalka, si aan loogu arag qof mar kasta ka daba qeylinya dowladda oo hadalkiisa macno beelay, taas beddelkeedna uu doonayey in ficillada dowladda looga jawaabo kaliya qoraallada Madasha Xisbiyada Qaran.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu kamid ah musharaxiinta sanadkaan la aamisan yahay in ay tatrtan adag la geli doonaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiin kale.